Dawo cusub oo loo helay dhalmo la’aanta ragga (Maxaa soo kordhay?)

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2023 – Dhalmo la’aanta waxay saameysaa toddobo boqolkiiba dhedigga dunida ku nool. Laakiin hadda mashiino casriga ah ee Garaadka Macamalka (artificial intelligence, AI) ayaa hadda muujinaya rajo ah inay dhibaatadaas wax ka qaban karaan.

Dhibaatada dhalmo la’aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada, waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.

Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan.

Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf.

Sida uu sheegay Dhakhtar Steven Vasilscue, barnaamijka Garaadka Macamalka ee isaga iyo saaxiibadii soo saareen waxa uu ku ogaan karaa shahwada ragga aan dhaleynin kun jeer in ka degdeg badan indhaha qof loo tababaray helista.

“Waxay muujin kartaa awoodda manida ka hor inta dhakhtarka bilaabin waxa uu raadinayo,” waxaa sidas yiri Dhakhtar Vasilescu oo ah khabiir farsamada caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Tiknolojiyada Sydney (UTS) ee Australia iyo islamarkaas na ah aasaasaha shirkadda NeoGenix Bioscience.

Barnaamijka uu soo saaray isaga iyo saaxiibadii magaciisu waa SpermSearch.

Waxaa loogu talogalay in uu ka caawiyo ragga shahwadoodu shaqeyneyn oo ah 10 boqolkiiba, waana xaalad loogu yeero Azoospermia (NOA).

Dhakhaatiir

XIGASHADA SAWIRKA,DALE GOSS, Dr Steven Vasilescu iyo saaxiibadii UTS

Qeyb ka mid ah xiniinyaha ayaa la jaraa iyadoo baaris lagu sameynayo shahwada caafimaadka qabta.

Howshan oo dhan waxaa lagu sameeyay sheybaar. Hadii la helo wax shaqeynayo markaas kaddib ayaa waxaa lagu tallaalayaa ukunta.

Dhakhtar Vasilescu wuxuu sheegay in sameynta howshan ay dad badan ku qaadaneyso 6 ilaa 7 saacadood, waana howl leh daal iyo khalad.

“Marka uu dhakhtarka eego mikroskoobka waxa uu arkayaa waa unugyo birbirqaya.”

Wuxuu intaas ku daray “Waa dhiig iyo hilib. Waxaa suuragal ah in shahwada ay tahay 10 balse waxaa ku jira malaayiin kale.”

SpermSearch waxa uu manida caafimaadka qabta ku heli karaa ilbiriqsiyo marka muuqaallada baarista shahwada lagu shubo kombuyuuterka.

Si loogu qabto howsha degdeg waxay Dhakhtar Vasilescue iyo saaxiibadii sameeyeen Garaadka Macmalka (AI) kaas oo heli kara shahwada.

Kooxda jaamacadda UTS waxay sheegeen in SpermSearch oo kun jeer ka dheereeyo dhakhaatiirta khibradda leh. Tan ma ahan in ay meesha ka saareyso dhakhaatiirta shaqadooda ee howsha ayey fududeynee.

Shahwada

XIGASHADA SAWIRKA, EOGENIX BIOSCIENCES, Nidaamka SpermSearch

Dr. Sarah Martins da Silva waxay aaminsan tahay in xawaaraha ceynkan oo kale uu muhiim yahay. “Muhiimadda waa waqtiga,” ayey tiri.

“Hadii qof uu doonayo in loo soo celiyo ukunta loona bacrimiyo, waqti aad u yar ayaan haysanaa. Marka xawaaraha ay shaqada ku socoto faa’iido weyn ayuu leeyahay.”

Waxyaabo badan ayaa ragga ka dhiga in aysan waxba dhalin sida cabista sigaarka, cunto xumo, jimicsi la’aan, walbahaarka badan iyo waxyaabo kale.

Dhakhtar Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la’aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.

Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.

Dhakhtar

XIGASHADA SAWIRKA, DR MEURIG GALLAGHER

Dhinaca kale, shirkad bacriminta qaabilsan ee fadhigeedu yahay Belfast, caasimadda Waqooyiga Ireland, Examen, ayaa adeegsata farsamo lagu ogaanayo hiddosidaha waxyeeleysan ee ku jira shahwada qofka.

Prof. Sheena Lewis iyo kooxdeeda waxay sameynayeen farsamadan in ka badan 20 sano.

Barafasoor Lewis oo ka tirsan jaamacadda Belfast ayaa aaminsan inkastoo Garaadka Macmalka uu horumarayo hadana caafimaadka wuxuu ku socdaa si aad gaabis ah.

Kaddib tijaabooyin aan badneyn SpermSearch waxay ku jirtaa marxalad bilow ah. Labo ilaa shan sano ayey qaadaneysaa in ay suuqa timaado.

Howsha ma dhawa. Wax kasta oo aan sameyn karno waa farxad balse ma noqoneyso daawo suuqa taal.

Dhinaca kale Dhakhtar Vasilescu wuxuu aaminsan yahay in daaweynta tiisa oo kale ay mareyso marxaladii u dambeysay.

“Hadii aan dhakhaatiirta howshoodu ka dhigi karno mid hufan oo sax ah, waxay heli karaan shahwada ragga inta shaqeyneysa taas oo aan si kale loogu heli kari laheyn. Tani waxay siineysaa ragga fursad ay ku noqon karaan aabayaal carruur dhali kara.”

Kooxda jaamacadda UTS waxay hadda diyaarinayaan in ay gudbiyaan tijaabadii ugu dambeysay baaristooda.

BBC

Hadalsame Media