Sheeko micne wayn leh oo dhexmartay gabar MINWAYN ah & MINYARO lala qabey

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2023 – SHEEKO CAJIIB AH OO KU SAABSAN MINWAYN IYO MINYARO!!

Waxa magaalada Baghdaad degganaa nin dukaan dharka lagu iibiyo leh. Isaga oo maalin dukaankiisii dhex jooga, ayaa waxa u timid gabar dhar gorgorinaysa. Iyada oo ganacsadihii la hadlaysa, ayay mar qura niqaabkii wejiga ka rogtay. Ninkii waa uu khalkhalay, quruxdeediina waa uu la dhacay.
Gabadhii: “Uma aanan imaan in aan wax iibsado, laakiin dhowrkaan maalmoodba suuqa ayaan kusoo noqnoqonayay si aan uga helo nin qalbigaygu u ruxmo oo aan guursado, adiga ayuuna qabigaygu kuu ruxmay, hantina waan haystaaye, ma’i guursanaysaa?”
Ninkii: “Ina adeertay baan qabaa oo wiil ii dhashay, waxanan ka ballan qaaday in aanan islaan kale ku beddelanayn”.
Gabadhii: “Waxa aan raalli ku ahay in aad usbuucii laba jeer ii timaadid”.
Ninkii waa uu oggolaaday, waana uu nikaaxsaday, gurigeedii inta uu u raacay buuna la gogol galay, keddibna gurigiisii ayuu aaday.
Habeenkii kolkii la gaaray, buu xaaskiisii ku yiri: “Saaxiibkay baa caawa in aan lasoo seexdo iga codsaday”. Habeenkaasna islaantii cusbayd buu lasoo baryay.
Maalin waliba duhurka dabadiis ayuu u tegi jiray, sidaasna waxa uu u qarsanayay muddo siddeed bilood ah.
Ina adeertiis shaki ayaa galay. Gabar jaariyad (adeegto) u ahayd bay ku tiri: “Haddii uu baxo, ii eeg halka uu aadayo!”
Markii uu guriga ka baxay, bay jaariyaddii si dhuumashaal ah u daba raacday. Dukaankii ayuu furay. Duhurka markii la gaaray, buu inta uu dukaankii xiray, baxay, jaariyaddiina waa ay ka daba baxday.
Guri ayuu galay. Jaariyaddii reero deriska ah bay weydiisay cidda guriga iska leh. Waxa loo sheegay in nin suuqa dukaan dhar ku lihi uu gabar ku qabo.
Jaariyaddii warkii ayay minweyntii u keentay.
Minwentii murugo keddib, iyada oo jaariyaddii la hadlaysa waxa ay tiri: “Sheekadaas haddii qof aadane ahi aan ka maqlo adigaa u sheegaye, iska jir tan kugu dhici doonta”.
Minweyntii ninkeedii uma aanay muujin islaanta uu qarsanayo inay ogtahay, sidaas buuna xaalku ahaa muddo sanad ah.
Ninkii inta uu xanuusaday, buu maalmo gudohood geeriyooday, waxana uu ka tegay siddeed kun oo diinaar oo dahab ah.
Minweyntii ninka ina adeertiis ahayd wiilkii ayay dhaxalkiisii u goysay oo toddoba kun oo diinaar ah. Kunkii kale inta ay labo u qaybisay, qaybna kiish ku shubtay, bay jaariyaddii u dhiibtay, kuna tiri: “Kiishkaan qaad oo gurigii islaanta tag, oo ku dheh ninkii waa uu dhintay, waxana uu ka tegay siddeed kun oo diinaar, wiilkiisii ayaana toddoba kun dhaxal u helay oo qaatay, kunkii soo harayna labadiinna ayay idiin qaybisay, waana kan xaqaagii ee hoo”.
Jaariyaddii inta ay baxday oo albaabkii garaacday, lagana furay, bay gashay, ninkii geeridiisana u sheegtay iyo waxa ay u siddo.
Minyaradii inta ay ooyday, bay sanduuq furtay oo warqad kasoo saartay, jaariyaddiina ku tiri: “Maamadaada ku laabo oo igu salaan, una sheeg ninku intaanu dhiman in uu i furay, warqaddii furriinkuna waa tan, ee lacagteeda u celi anigu dhaxal kuma lihi eh”.

Garan mayno in aan amaanno caqliga minweynta, Alle ka cabsigeeda, xilkasnimadeeda iyo caddaaladdeeda in kasta oo masayr iyo musiibo ay isugu darmeen, ama in aan amaanno caqliga minyarada iyo dhaqan wanaaggeeda. Waxa weliba intaas dheer ninku in aanu furin laakiin xaqii ay dhaxalka ku lahayd inay minweynta u dhaafto ayay door bidday.

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media