”Somalia waxaa hadda Kenya u jooga 3 wakiil” – Saxaafadda Kenya oo la yaabtay ninka uu magacaabay Axmed Madoobe & Arrin ay ka digtey

0

(Nairobi) 18 Sebt 2023 – Madaxwaynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa 2 maalmood kahor qaaday tillaabo gef ku ah madaxbannaanida gayi iyo midnimada dalka Somalia, kaddib markii uu sheegay inuu magacaabay wax u qaab eg Danjire u fadhinaya Kenya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka ayaa lagu sheegay in tillaabadan loo cuskaday xeer u degsan maamulka sida la yirina uu qabo ”Cutubka 4aad, Qodobka 72-aad, Farqadiisa 3-aad, taasoo awood u siinaysa madaxwaynaha inuu magacaabo xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

”Markuu Latashaday:- Madaxwayne ku-xigeenada Jubaland. Wuxuu madaxwaynaha Jubaland u magacaabay Mudane Sadiiq Cabdullaahi Bogaale, Wakiilka Jubaland u Jooga Dalka Kenya,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

Waxaa lasii raaciyey qoraal ugub ah oo aan nidaam ahaan horay loo arki jirin oo u dhigan; ”Magacaabistani waxay dhaqangalaysaa marka uu madaxwaynuhu sixiixo wuuna sixiixay.”

Yeelkeede, waloow DF Somalia aan war weli laga maqal, misna saxaafadda Kenya ayaa qirtay sida ay ula yaabban tahay tillaabada uu qaaday Axmed Madoobe oo muddo dheer ku dheggan madaxtinnimada Jubaland oo uu ka joogo meelo kooban, isagoo inta badan ku shaqeeya siyaasad shisheeye.

Warqaadka Kenyans ayaa qoray sidatan: ”Maadaama uu ergaygani Kenya u joogayo danaha Jubaland. Tallaabadan ayaa ah mid muran diblomaasiyadeed dhalinaysa maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay Safiir ugu leedahay magaalada Nairobi.

”Intaa waxaa dheer, dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka Somalia, waxaa uu si gaar ah u siinayaa awoodaha xiriirka dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya.” ayuu qoray.

”Waxaa dheer in magacaabista Bogaale ay wakiillada Somalia u fadhiya Kenya ay gaarsiinayaan ilaa 3 maadaama ay Somaliland sidoo kale wakiil leedahay.” ayuu raaciye.

Hadalsame Media