”Wax aan SFI ahayn ma haysto!” – Saxaafadda Sweden oo soo ogaatey nin Soomaali ah oo isagoon waxba aqoon dadka dawooyin u qoraya

0

(Trollhättan) 16 Sebt 2023 – Sida laga soo xigtey warqaadka TTELA, dhakhtar been abuur ah ayaa shaybaar iyo xarun caafimaad ka furay Lextorp oo Trollhättan ah.

Wargayskan maxalliga ah ayaa ka warramaya “jawaabo shaybaar oo aan abid soo noqon, natiijooyin baaritaan oo khaldan iyo talooyin nafta halis gelinaya oo uu siiyey bukaanka”.

David Pazooki, oo ah howlwadeen caafimaad oo ka tirsan maamulka caafimaadka ee xarunta daryeelka Lextorp, ayaa dadka uga digey dhaqan-xumadan, laakiin kaddib waa la eryay.

Qofkan Soomaaliga ah ayaa waxa uu dokumentiga ugu qoran inuu yahay kalkaaliye caafimaad oo dalkiisa kusoo tababartay. Laakiin ninkan ayaa gebi ahaanba ka maqan diiwaanka shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee maamulka qaranka Sweden ee adeegga bulshada ee Socialstyrelsen. Wax codsi ah oo ku saabsan magac xirfadeed ama aqoonsi kalkaaliyena ma dalban.

“Waxbarashada tooska ah ee qura ee ay TTELA ninkan ka aragtay waa shahaado af-iswiidhishka shisheeyaha la baro ee SFI/ga oo loogu talagalay dadka soo galootiga ah.” ayuu qoray wargaysku.

Tiiyoo ay taasi jirto ayuu misna ninkan oo uu wargaysku ku naanaysay “Dhakhtar Soomaaliya” waxa ay ku howllan yahay inuu kula taliyo bukaannada dhanka taleefoonka, baaritaan ku sameeyo bukaannada, shaybaaro, ka shaqeeyo shaybaarka iyo qorista diiwaanka bukaanka ee loo yaqaan journal waana “masiibo”, sida uu qabo David Pazooki.

Hadalsame Media