”Obama sharaf ma leh” – E-mail qarsoodi ah oo uu Biden ku caayayo Obama oo la faafiyey

0

(Laascaanood) 14 Sebt 2023 – Farriimo laga helay Laptop-ka Hunter Biden ayaa daaha ka rogey wada-sheekaysi 2010-kii uu wiil uu dhalay Madaxwayne Xigeenkii Maraykanka ee xilligaas Joe Biden uu ku eedeeyey Madaxwaynihii xilligaas ee Barack Obama inuu koobiyeeyey khudbadihii Aabihiis. Joe Biden ayaa ku jawaabayey arrintaas ayaa Obama ku dhaleeceeyey “inuusan sharaf lahayn.”

Bishii Sebtembar 2010-kii, email-lada la iswaydaarsadey, oo ay markii ugu horreeysey  sheegtay Fox News Arbacadii, ayaa ku bilowday Hunter Biden oo u soo jeediyey aabbihiis in Obama uu xaday khudbad uu maalin kahor ka jeediyey xafladdii Midowga ee Wisconsin.

Farriinta waxaa loo diray ciwaanka e-mail-ka gaarka ah ee Joe Biden, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid ka mid ah kuwo badan oo uu kula xiriiri jirey xubnaha qoyska. MX markaas ayaa ka jawaabey eedaymaha khudbadda la minguuriyey ee uu wiilkiisu ku eedeeyey Obama, isagoo ku sheegaya “nin aan sharaf lahayn.”

Waxaase yaab leh, in Biden laftiisu uu markii ugu horreeyse ku guul-darreystay inuu u tartamo Madaxwayne oo uu ololihiisu ku dhammaaday ceeb sannadkii 1987-kii, markii lagu qabtay isagoo xadaya khudbadaha siyaasiyiin kale, oo uu ku jiro MW hore Robert F. Kennedy.

Waxa kale oo lagu khasbay inuu qirto in uu xaday qaybo ka mid ah warqaddii Thesis-ka ee uu u gudbiyey kulliyaddii uu dhiganayey ee qaanuunka, waxa ay warbaahintu sidoo kale sheegtay inuu ololaha doorashada kaga been sheegay taariikhdiisa waxbarasho iyo ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaqii madaniga ahaa ee 1960-kii.

Biden ayaa had iyo goor meteli jirey inuu yahay saaxiib aad ugu dhow Obama.

Biden's Obama email

Obama with Joe and Hunter Biden
Obama, MW Biden & wiilkiisa Hunter oo wada daawanaya ciyaar NCAA basketball ah oo u dhaxaysa Georgetown vs Duke

Hadalsame Media