”Waxaan ka fikirayaa inaan wiilkayga fariisiyo qaybta rakhiista ah si aan saaxiibkay ula fariisto qaybta qaaliga ah” – Haweeney la kulantay fal-celin kulul

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2023Hooyo ayaa kicisay dood caro leh kaddib markii ay shaaca ka qaadday in lammaaneheedu uu rabo in 13-jirkeedu uu fariisto qaybta rakhiista ah ee diyaaradda, halka iyada iyo lammaaneheedu ay ku raaxaysanayeen qaybta qaaliga ah ee business class.

Haweeneydan, oo la rumaysan yahay inay kasoo jeeddo Maraykanka, ayaa  Reddit waydiisey haddii ay habboon tahay in wiilkeedu uu kaligiis fariisto qaybta dhaqaalaha diyaaradda oo ay u badan tahay inuu duullimaadkeedu qaadanayao 9 saacadood.

Wiilkeeda looma ogola inuu la fariisto hooyada iyo ninka qaba oo aan aabihii ahayn, maadaama sida ay sheegtay, lammaaneheedu aanu rabin inuu halkaas tago wiilku oo iyaga la joogo.

Ninkan oo hooyada wiilka saaxiib la ahaa 5 sano ayaa aaminsan in wiilku inuu kaliya ka mahadceliyo oo abaal ku qabo safarka caalamiga ah ee uu gelayo, halka ay hooyadu sheegtay inuu wiilkeeda u roon yahay.

Ha yeeshee, isticmaalayaasha Reddit ayaa furka ku xooray oo aad uga carooday soo jeedinta hooyada iyagoo muujiyey in arrintan ay ka muuqato in ninku uu caadiyan ku tacaddiyo wiilka yar iyaduna ay ogoshahay.

Mid baa soo qoray: ‘Waxaan horraanba hadda u ognahay inuusan jeclayn cunuggaaga, waa maxay calamada kale ee cas cas ee waawayn ee aad iskaga indho tirayso ninkan?’

Dadka ayaa jawaabo kale oo kulul u jeediyey hooyada iyagoo u sheegay inay wiilkeeda la fariisato, ninkeeduna uu kaligii fariisto meesha uu doonayo. Halkan ka aqri qoraalka asliga ah…

She told the platform that her partner did not want her 13-year-old in business class with them and believes the child should be grateful for the tripShe tried to rationalize her partner's behavior by saying he spent money on her child's various milestones over the course of their five year relationship

Hadalsame Media