Bruno Fernandes oo xalay seddexleey kubbad dhigis ah ka sameeyey kulankii Portugal (Daawo wacdarihiisa)

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2023Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa gool dhaliyey islamarkaana saddex kale dhigay xilli ay Portugal usoo baxday Euro 2024 kaddib markii ay 9-0 ku xasuuqday xulka tacbaanka ah ee Luxembourg.

Portugal waxaa ka maqnaa Cristiano Ronaldo oo ganaax dartiis ku seegay laakiin waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah, iyadoo Liverpool ee Diogo Jota uu dhaliyay labo gool.

Portugal ayaa daqiiqadii 12-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu Fernandes kubad baas cajiib ahayd u dhiibey Goncalo Inacio. Mar kale ayuu Inaciso baas u dhigay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Fernandes ayaa sameeyey caawin kale oo cajiib ah isaga oo markan kubad aad u fiican dul mariyey daafaca taasoo uu Jota ku dhegey. Wuxuuna raaciyey goolkiisa uu isaga laftiisu dhaliyey.

Hadalsame Media