”Meelaha qaar waxay uga fiican tahay Khaliijka” – Weriye caalami ah oo la yaabay waxa uu Muqdisho ku arkay

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2023 – Waxaa soo hagaagaya xaaladda amaan iyo midda horumar ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintaa ka marag kacay Samiir Al-Nimri oo ka tirsan Idaacadda la iska arko ee Al Jasiira ee dalka Qadar.

Weriyahan oo isbuucii hore Muqdisho joogey ayaa ka hadlay waxyaabaha uu la yaabay ee uu Muqdisho kusoo arkay waxa uuna qoray sidatan:

■ Isbuucaasi korontada ama Laydhku daqiiqad kama damin magaallada.

■ Biyuhuna daqiiqad kama maqnaan magaallada.

■ Waddooyinka oo dhan waxaa ifinaya nalalka tamarta cadceedda ku shaqeeya, intooda badanna waa la dayactiraa haddii ay xumaadaan.

■ Internet-ka magaallada xawaarihiisa iyo qiimihiisa raqiiska ah wuxuu ka wanaagsan yahay kuwa dowladaha Khaliijka.

■ Waddo walba waxaa laga dhisayaa dhismo ka sarreeya 10 dabaq oo isugu jira xaafado deegaan ah oo casri ah, Fillooyin iyo guryo qayb qayb loo kireynayo ama loo iibinayo.

■ Muqdisho haatan waxay u kacday dhanka horumarka iyo inay ka bogsato colaadihii, sanadaha soo socda ayaana caddeyn doona horumarkaa

Yeelkeede, dadwaynaha qaar oo warkiisa faallo ka dhiibanayey ayaa sheegay in waxyaabaha qaar sida in si joogto ah loo dayactiro nalalka jidadku aysan sax u ahayn sida uu u sheegay, sidoo kalena uu aad u hooseeyo adeegga bulsho ee ay dadwaynuhu helaan amaba ku dhowaad uusan jirin.

W; D: Yaxye Yuusuf

Hadalsame Media