Shah Rukh berri soo wada filim gilgili doona Box-Office-ka (Ma jebin doonaa rikoorka filimkii ‘Pathan’?)

0

(Mumbai) 06 Sebt 2023 – Filimka xiddiga caanka ah Bollywood ee Shah Rukh Khan ee ‘Jawan’ ayaa lagu wadaa in la daawada shaashadaha caalamka 7-da bisha Siteembar, waxaana xilli hore tikit-yada filimkan ay taageereyaasha Khan bilaabeen inay goostaan dhammaan hoolka bandhigyadda filimada Bollywood-ka.

Tan iyo markii uu rikoorka jabiyay filimka ‘Pathan’ ee Shahrukh Khan, oo soo baxay horaantii sanadkan, dadku waxay si xamaasadeysan u sugayeen filimka ‘Jawan’, markii goos gooska kowaad ee filimkan la sii daayay horraantii bishii Luulyo waxa uu kor u kacay xiisaha daneeyayaasha ee Filimkan.

Dhowaan markii uu soo baxay goos gooska labaad ee filimkan dhamaan taageerayaasha Shah Rukh Khan iyo dadka filimada ka faallooda ayaa si weyn u ammaanay filimka iyo qaabka soo-saaridiisa.

Xitaa Vivek Ranjan oo dhaleeceyn jiray filimadda Shah Rukh ayaa amaanay filimkan xili uu taageerayaashiisa kula hadlaayay baraha bulshada, waxaana la weydiiyay qof ahaan in uu daawan doono filimka. Markaa wuxuu qoray “waan daawan doonaa bandhigga ugu horreeya maalinta koowaad” taas oo muujinaysa heerka filimka.

‘La hadal Aabbaha inta aadan taaban wiilka’

IAMSRK

XIGASHADA SAWIRKA,IAMSRK

Maalmahan waxaa baraha bulshada lagu arkayay Shah Rukh Khan oo si firfircoon uga dhex muuqanaya tageerayaashiisa baraha bulshada isagoo adeegsanaaya akoonada sidda mid ku baxa magaca “SRK” oo u taagan weydii Shah Rukh Khan. Isagoo ka jawaabaya su’aasha mid kami ah taageerayaashiisa, Shah Rukh Khan ayaa yidhi , ‘Raju sir (Rajkumar Hirani) wuu jeclaa! Waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee fariinta ii soo dira, waxaana tusiyay qaybo ka mid ah filimka, aad buuna uga helay.’

Shahrukh Khan ayaa labo door ku leh filimka, waxaana uu matali doonaa doorka Aabaha iyo wiilka Filimkan, waxa uu ku jilayaa sidoo kale doorka sarkaal ciidan, gaar ahaan boolis. Markii qof uu weydiiyay sida uu u dareemayo xirashada dareeska booliiska, Shah Rukh Khan ayaa yidhi: “waan ku faanayaa” Waxaan rajeynayaa in booliiska dalka u adeegayana ay sidoo kale ka mahadcelin doonaan’.

Sida ku cad goos-gooska filimka wuxuu ku bilaabmayaa sheekada boqor, ka dibna wuxuu ku dhamaanayaa ‘ina aad la hadasho Aabaha ka hor intaadan taaban wiilka’.

Qiimeynta kasoo baxday goos-gooska filimka ayaa taageerayaasha Shah Rukh ku macneeyeen in tani ay tahay noloshiisa dhabta ah oo loo saaray xaaladii Aryan Khan ee eedeymaha daroogada.

Muxuu Shah Rukh ka yidhi goos-goos-ka Filimka?

Getty images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shah Rukh Khan oo bartiisa twitter-ka soo dhigay goos gooska khamiistii ayaa qoray in filimka Jawan uu yahay sheekadii Insaaf iyo Ek Jawan. “Waa sheeko dumar iyo aargoosi. Waxaa jirta sheeko hooyo iyo wiilkeeda waxayna leedahay waqtiyo madadaalo leh. Diyaar ma u tihiin Jawan?. Waxaa daafaha caalamka laga daawan doonaa 7-da September sanadka 2023 isagoo ku baxaya luqadaha Hindi, Tamil iyo Telugu”.

Waxaa la arkaayay dad ballansanaya dhammaan hoolka shineemada si ay u daawadaan filimka. Iyadoo dadku ay ku wadaagayeen baraha bulshada sawirada tigidhada iyagga qaarkood isla sawiray qoyskooda. Shah Rukh Khan ayaa sidoo kale la arkaayay isaga oo u mahadcelinaya taageerayaashiisa.

Marka loo eego qiyaasta tikidhada la iibsaday, filimku wuxuu jebin doonaa dhammaan rikoodhada hadda yaala. 65 Crore oo ah halbeeg cabbir ah oo inta badan laga isticmaalo dalalka Hindiya, Bangladesh, Nepal, iyo Pakistan halka uu daafaha caalamka ka keeni doono 125 Crore. Filimkan ayaa jabin doona rikoorka Pathan iyo KFG.

@NAYANTHARAU

XIGASHADA SAWIRKA,@NAYANTHARAU

Filimkan waxaa agaasime ka ah atariishadda caanka ah ee Koonfur Hindiya Atlee, halka atariishada Deepika Padukone lagu arki doono door gaar ah filimkan.

Atariishada Nayantara ayaa ku jirta Filimkan halka Aktarka Koonfur India ee Vijay Sethupahi uu isna door muhiim ah ku leeyahay.

Kaddib guushii Sunny Deol ee Ghadar 2 taageerayaashiisa waxay sugayaan bandhigga weyn ee filimka Jawaan waxayna sheegeen in filimkan uu noqday mid xiiso leh xitaa ka hor inta aan lasoo bandhigin.

BBC

Hadalsame Media