Maxaas oo lagu wado inay noqoto saldhigga laga hoggaaminayo dagaalka lagu qaadayo Shabaab & MW Somalia oo maanta tegaya (Maxaa ka socda?)

0

(Maxaas) 03 Sebt 2023 – Xilli maanta lagu wado inuu degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan tago Madaxwaynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa halkaasi saacadahii lasoo dhaafay ku qulqulayey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer maamul, kuwaasoo halkaasi u tagay inay la kulmaan ama soo dhoweeyaan Madaxwaynaha.

Degmada Maxaas ayaa haatan la ciirciiraysa martigelinta masuuliyiintii ugu badnayd ee abid isugu tagta degmadaasi waxaa sidoo kale halkaa tegey ciidamadii ugu badnaa, waxaana halkaasi ay noqon doonta goobta laga hagayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno heer Fedaraal iyo Maamul-goboleed ah, sida Madaxwayne Xigeenka Hirshabeelle ayaa halkaa jooga, waxaa sidoo kale halkaa ku sugan ciidamadii qabtay ilaa Wabxo iyo Ceelbuur, balse dib ugasoo gurtay kaddib fashilkii ka dhacay Cowswayne.

Waxaana haatan Maxaas ka socda abaabulkii ugu xoogganaa ee la doonayo in Shabaab looga ciribtiro gobollada dhexe iyo guud ahaan dalka, kaasoo ay wadaan ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo kuwa dadka degaanka ee loo yaqaano ”Macawiisleey”, si dib loogu qabto dhulalkii loogasoo baxay xeeladda dagaal.

Xogaha aannu halkaa ka helayno ayaa tibaaxaya in dib loogu noqday qolka kaartada oo ay saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta kale ee jooga Degmada Maxaas ay durba bilaabeen diyaarinta istaraatiijiyad dagaal oo la doonayo in lagu wajaho bariga Gobolka Galgaduud oo ay wali degaano badan ka haystaan kooxda Al Shabaab.

Waxaa kaloo xusid mudan in masuuliyiinta Maxaas gaartey shalay ee maanta soo dhoweeynaya MW Somalia uu ka mid yahay Cali Jayte Cismaan oo sheegtay inuu yahay Madaxwaynaha maamul la baxay Hiiraan State, waxaana Jayte oo uu khilaaf adagi kala dhexeeyo Maamulka Hirshabeell halkaas ugu yeeray Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si xal loogu helo khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Cali Jayte Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Hadalsame Media