“Waa rag fool adag” – War cusub oo aysan taageerayaashu ku farxin oo kasoo kordhay iibka Man United

0

(Manchester) 02 Sebt 2023 – Glazers ayaa doonaya inay Manchester United ka qaadaan suuqa, iyagoo ku guuldarraystay inay xitaa u dhowaadaan qiimaha ay filayeen inay ku iibiyaan, sida laga soo xigtey ilo xiriir dhow la leh qoyskan Maraykanka ah.

Tallaabadan waa hubaal inay ka xanaajin doonto taageerayaasha United, kuwaasoo aan weligood dareen diiran u hayn milkiilayaasha kooxda, oo ay ku eedeeyaan guul la’aanta dhowaantan iyo maalgashi xumida kaabayaasha kooxda.

“Glazers-yadu waa rag jir adag oo aanay saamayn ku yeelan doonin falcelinta xun ee taageerayaasha,” ayaa laga soo xigtey isha, taasoo intaa ku dartay in qorshaha asalka ah ee qoysku uu ahaa in la helo shirkado iyo shakhsiyaad badan oo ay dhab ka tahay iibsiga kooxda, taasina ma dhicin.

Qoysku waxay dadka ogaysiiyeen bishii Nofeembar ee la soo dhaafay inay u furan yihiin dalabyo boqolkiiba 100 oo looga iibsado naadiga, ama iib qayb ahaan ay iyagu weli yeeshaan saami baaxad leh.

Yeelkeede, kaliya labo qof ayaa soo baxay, Sheik Jassim oo Qadari ah, oo doonaya kooxda oo dhan, iyo Sir Jim Ratcliffe, kaasoo dalabkiisu uu Glazers siinayo saami yar.

Ilaha ku dhow qoyska ayaa sheegaya in raggan labada ah laftoodu ay niyad jab ka qaadeen moowqifka aan kala caddayn ee reer Glazers oo marar badan la fahmi waayey sida ay wax u rabaan.

Fans have protested against their unpopular owners regularly and the move is sure to provoke fury

Hadalsame Media