Mucjisooyinka aanad ogayn ee ku lamaanan HINDHISADA (Waxyaabaha yaabka leh ee dhici kara)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Hindhisadu waxa ay muhiimad weyn iyo faa’idooyin kala duwan u leedahay nolosha qofka iyo caafimaadkiisa.

Hindhisada oo waqtigeedu uu yahay ilbidhiqsi ama ilbidhiqsi badhkii, waa geeri uu qofku dhimanayo kadibna uu mar labaad dib ugu soo noqonayo nolosha. Waana sababta aynu ugu tilmaamayno in ay tahay mucjiso Rabbaani ah oo duruus badan oo ruuxi ah iyo kuwo caafimaadba ku jiraan, waana sababta sida ay culimada Islaamku sheegeen loo sunneeyey in marka uu qofku hindhisho uu yidhaahdo, “Alxamdu Lillaah (Allaa Mahad leh).

Waa farxadda uu addoonku Alle uga mahadcelinayo in geeridaa ilbidhiqsiga badhkii ah ee uu qofku ka soo badbaaday.

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa dhowr ka mid ah mucjisooyinka ku lammaan hindhisada:

– Marka uu qofku hindhisayo waxa gebi ahaanba shaqada joojiya wadnaha, iyo sidoo kale dhammaan hab-dhisyada shaqooyinka kala duwan qabta ee jidhka bani’aadamka.

– Haddii uu qofku si xoog leh u hindhiso waxa suuro gal ah in mid ka mid ah feedhihiisu ay jabto cadaadiska xoogga badan ee neefta awgeed.

– Waxa ay khubarada caafimaadku sheegaan in hindhisada kediska ah oo uu qofku doono in uu isku celiyaa ayaa keeni karto dhiig ku furma raqabadda iyo madaxa, taasina ay keenayso khatar illaa heer dhimasho gaadhsiisan.

– Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in ay dhici karto in uu qofku si kedis ah u dhinto, oo uu ka soo noqon kari waayo istaagista wadnaha iyo unugyada kale ee muhiimka ah.

– In kasta oo aanu qofku awoodayn in marka uu hindhisayo indhaha kala hayo, haddiiba se uu isku dayo qofku inuu xoog indhaha ku kala hayo marka uu hindhisayo waxa dhici karta in ishu ay xoog kaga soo baxdo godkeeda ama xididdada tiftiflayaasha ah ee dhex maraa ay faruurmaan oo ay taasi keento in isha gudaheeda uu dhiig ku furmo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media