”Quraac idiinma heli karno” – Barcelona oo xaalad xun gashay & Taageerayaasha oo ku maadsanaya

0

(Barcelona) 22 Agoosto 2023 – Warbixin soo baxaysa ayaa waxay sheegtay in ciyaartooyda da’yarta ah laga jari doono quraacda ay kooxdo bixiso, kaddib markii uu Madaxwaynaha kooxdaasi ee Joan Laporta uu sheegay inay tahay kharash aan qiil lahayn.

Wax qarsoodi ah maahan in Blaugrana ay soo food saartay dhaqaale xumo dhowr sano ah, taasoo ku khasbeysa kooxda inay qaadato go’aanno aan la jeclayn oo ay ku doonayso inay kusii taaqtaaqdo qaab gunti isku giijis ah.

Xagaagii 2021-kii, waxay fasaxeen Lionel Messi kaasoo kooxda uga tagey qaabka xorta ah kaddib markii ay ku guuldarraysteen inay cusbooneysiiyaan qandaraaskiisa. Waxa ay isku dayeen inay dib usoo celiyaan horraantii xagaagan, laakiin ma ay helin lacag ay ku maalgeliyaan heshiiskiisa, taasoo keentay inuu Maraykanka ka dhaco.

Sannadkii 2022-kii, kooxda ayaa lagu khasbay inay dhaqaajiso qorshe ay ku iibinayso adeegyo ay lahayd qaarna ku hakinayso sida TV-gii Barcelona, balse weli kooxdu waxay ku jirtaa xaalad khatar ah.

Barcelona ayaa haatan soo rogtey inay junyarkeeda jaliso oo ay quraacda ka jarato iyadoo sidoo kale doonaysa inay fasaxdo laacibiinta aan u diiwaangashanayn sida daaficii hore ee Sociedad Inigo Martinez  si ay ciyaartooy cusub ugusoo daraan liiskooda.

Taageerayaasha oo arrintan ka fal-celiyey ayaa ku maadsanaya kooxda iyadoo ay qaarkood soo jeediyeen inay korontada ka jaraan garoonka iyo xafiisyada si ay lacag u biiryaan.

Halkan ka aqri fal-celinta taageerayaasha oo arrintan ku maadsanaya….

Hadalsame Media