Kalkaalisada ugu HALISAN UK oo berri xukun lagu ridayo (Carruurta dhalata & Dhiciska ayay dili jirtey & Waxa ay adeegsatey)

0

(Manchester) 20 Agoosto 2023 – Lucy Letby 33-jir ah, ayaa lagu helay dembi ah inay nolosha dhaafisay 7 carruur ah oo markaa dhalatay, iyadoo adeegsan jirtey inay hawo ku durto, siiso caano ka badan intii ay u baahnaayeen ama ay ku durto insulin ilmaha oo ay qaarkood ahaayeen dhicisyo ku jirey qaybaha lagu koriyo.

Qoyaska dhibanayaasha ah ayaa iyaga oo joogey bannaanka Maxkamadda Manchester Crown Court ee woqooyiga England bayaan ay soo qoreen ku yiri: “Cadaaladdii waa la fuliyey.”

Guurtida maxkamadda oo ay qaarkood ooyinta ceshan waayeen ayaa go’aanka gaarey 8-dii bishan Agoosto, balse go’aanka lama soo bandhigin ilaa Jimcihii, waxaase go’aanka rasmiyan loosoo bandhigayaa Isniinta berri ah.

Letby ayaa laga shakiyey kaddib markii ay dhimashadu kusoo badatay qaybta dhalmada ee isbitaalka Countess of Chester Hospital ee woqooyiga England intii u dhaxaysey Juun 2015 iyo Juun 2016-kii.

Waxaa la sheegay inay gabadhi leedahay hab-dhaqanka dadka dilaayaasha ah ee aadka u xisaabtama (“calculating”) iyadoo aan ka tegi jirin wax raad ah, balse geeridu waxay dhacaysey inta badan marka ay iyadu shaqada ku jirto, iyadoo marka ay shaqaaluhu waydiiyaan u sheegaysey inay ahayd ”nasiibdarro uun.”

Dhibanayaasha ugu dambeeyey ee ku baxay gacanta Letby waxay ahaayeen laba wiil oo ka tirsanaa mataano seddaxleey ahaa iyadoo midka koowaad khaarajisey Juun 2016 mar ay kasoo noqotay fasax ay ku aaddey Ibiza, halka kan 2-aad ay dishey maalintii ku xigtey. Midka 3-aad ayay xitaa isku dayday inay disho balse uma suuragelin.

Hadalsame Media