Faa’idooyinka ugu waawayn ee ay HURDADU jirka u leedahay (5-ta ugu muhiimsan?)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2023 – Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jidhka, waxa aanay kaalin aasaasi ah ka qaadataa fayo qabka dhammaan xubnaha jidhka aadamaha.

Warbixin ay faafisay majaladda Faransiiska ka soo baxda ee Sante Plus, ayaa qoraaga Laurence O uu kaga warramayaa hawlo yaab leh oo uu jidhka bani’aadamku qabto xilliga hurdada, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata dhowrista caafimaadka, isla markaana lagama maarmaan u ah caafimaadka wanaagsan.

  1. Waxa uu nidaamiyaa maskaxda iyo xasuusaha
  2. Heerkulka jidhka oo hoos u dhaca, waxa aanay dejisaa dhiigkarka,
  3. Waxa ay habaysaa wanaajisaana isku xidhnaanta habdhiska neerfaha iyo qaybaha jidhka, gaar ahaan maskaxda iyo unugyada neerfeed ee kala duwan. Waxa uu wanaajiyaa dabeecadda iyo degenaanshiyaha qofka.
  4. Hurdadu waxa ay caawisaa caafimaadka maqaarka: Tijaabo lagu sameeyey dad aan hal habeen oo dhammaystiran seexan ayaa lagu ogaaday hoos u dhac weyn oo ku yimi jileeca iyo dufankii dabiiciga ah ee maqaarka. Sidao oo kale waxaa hoos u dhacay xaddiga dhiigga ku soo dhacaya unugyda wejiga, labadaas arrimood oo khatar ku ah caafimaadka maqaarka.
  5. Xoojinta habdhiska difaaca: Qoraagu waxa uu caddeeyey in xilliga hurdada ay ungyada jidhku soo daayaan maadadda ‘Cytokine’ oo ah barootiinno ka shaqeeya xoojinta habdhiska difaaca.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media