Agaasimihii hore ee Milan oo kashifay meelo halis ah oo ku dhex yaalla garoonka San Siro

0

(Milano) 16 Agoosto 2023 – Ivan Gazidis, oo ah maareeyihii hore ee AC Milan, ayaa waraysi uu siiyay barnamijka Business of Sport, ayaa ka hadlay arrimo dad badan ka qarsan oo ku saabsan gegada caanka ah ee San Siro.

“Saddex meelood labo meel ka mid ah shirkadaha aan iidhehda u samayno waxay ahaayeen Talyaani, waxaana haysanney garoon, inkastoo uu ahaa mid qurux badan oo taariikhi ah, mina aan ahayn mid ku sugan xaalad aad u fiican.” ayuu yiri Gaz.

Gazidis wuxuu si uun u xaqiijinayaa baahida loo qabo garoomo cusub oo casri ah oo ay yeeshaan kooxaha Inter Milan iyo AC Milan oo garoonkaa haatan ku ciyaara, isagoo taabtay in garoonka oo ay ahayd inuu shaqeeyo 7-da maalmood uu inta badan xiran yahay.

Wuxuu sheegay inay jiraan meelo halis ah oo ku yaalla gudaha garoonka San Siro oo aan xitaa la tegi karin, sida musqulaha, gaar ahaan.

Waxaa kale oo uu xusay inay dhibaato wayni ka jirto dhinacyada adeegyada dadwaynaha.

”Helitaanka goobaha naafada ayaa xaddidan, musqulahana waa in la iska ilaaliyaa, gaar ahaan haddii aad tahay qof dumar ah.” ayuu raaciyey isagoo aan sharrixin sababta, balse uu warkiisu u badan yahay mid ammaanka ku saabsan.

Gazidis ayaa haatan ka tegey AC Milan oo uu Agaasime Guud u ahaa muddo afar sano ah min 2018-2022, iyadoo ninkan asal Giriigga ah ee South Africa uu 10 sano madax u ahaa kooxda Arsenal.

Hadalsame Media