Mourinho oo kooxdiisa si ula kac ah ugu dheelsiiyey 10 laacib + Taatiko la yaab leh (Daawo)

0

(Roma) 15 Agoosto 2023 Jose Mourinho  ayaa markale muujiyey taatikadiisa yaabka leh kaddib markii uu go’aansaday inuu badal cajiib ah ku sameeyo kulankii ugu dambeeyay ee Roma ay iskugu diyaarinaysey xilli ciyaareedka cusub isaga oo si ula kac ah ciyaartii ugu dhamaystay ku dheeley 10 ciyaartooy.

Ninkan Boortaqiiska ah oo aan weligii dood iyo khilaaf ka dhamaan, ayaa waxaana uu jahwareer ka abuuray kursiga kaydka kulankii saaxiibtinimo ee Sabtigii ay la yeesheen kooxda Albania Partizani.

Jeer ay Roma ciyaarta ku hoggaaminaysey 2-0 oo 11 daqiiqo saacada ka dhimman tahay garoonka Air Albania Stadium, ayuu Mourinho go’aansaday inuu ciyaarta ka saaro Houssem Aouar oo dhawaan ku biiray kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hore u isticmaaleen sideedka bedel ee la ogol yahay inta ay ciyaartu socoto taasna waxay la macno ahayd in Aouar uu ka baxay kulanka iyada oo aan cidna lagu beddelin. Malaha wuxuu tijaabinayey sida ay 10 laacib ugu dheeli karaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Algeria – oo hore bartilmaameed u ahaa Arsenal iyo Tottenham – ayaa Roma ku biiray bilowgii suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo kaga yimid dhanka kooxda Faransiiska ah ee O. Lyon.

Hadalsame Media