App ”calafdoon” ah oo adeegsadaan lamaanayaasha Soomaalida oo ay dadku hal SIFO wada sheegtaan

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2023 – Abuurayaasha Guurdoon, oo ah app-kii ugu horreeyay ee loogu talagalay dadka aan guursanin ee Soomaaliya ku nool, ayaa rajeynaya inay ka caawiyaan walaalahooda kale in ay halkaa ka helaan xiriir jacayl ku dhisan guurna ku dhammaada iyo lamaane ku nool dalalka dhaqan.

Ma aha kaliya in loogu yeero app-ka ama barnaamijka shukaansiga.

Guurdoon ayaa waxaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore daah-furtay xarunta horumarinta qoyska ee Guryosamo, taasoo guddoomiyaheeda Axmed Abshir Geeddi u arkay app-ka mid lagu badbaadinayo dhibaatooyinkii dalka soo food-saaray tan iyo markii uu 1991-kii uu soo if baxay qalalaasuhu.

“Wax kasta oo ay bulshadu u baahnayd way burbureen, oo ay ku jiraan qoyska oo ah laf-dhabarta bulshada,” ayuu 37-jirkan u sheegay AFP, isagoo sharraxayay wixii dhacay tobannaankii sano laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Guurdoon, ayuu yiri, ma aha barnaamij shukaansi, laakiin waa madal guur oo ku salaysan qiyamka iyo dhaqanka Islaamka ee dal ay dadkiisu Muslimiin yihiin.

Geeddi iyo asxaabtiisa ayaa markii hore damcay in ay dadaalkooda xoogga ku saaraan sidii ay qoysaska dhismaya uga bixin lahaayeen qarashka aroosyada, balse waxa ay isla markiiba ogaadeen in arrimaha ay dhibaatadu ka jirto ee iswaafajinta lamaanayaasha aan lacag oo kaliya lagu xallin Karin.

Fikradda app-ka ayaa soo baxday intii lagu jiray wadahadallo lala yeeshay hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha bulshada.

“Waxaan ogaannay baahida loo qabo fududaynta madal ay ku kulmaan dadka da’ kasta oo ay yihiin si ay halkaasi iskaashi uga abuuraan maadaama dhallinyaradeenu ay u badan yihiin maalmahan baraha bulshada,” ayuu yiri Geeddi.

Barnaamijkan oo sida uu sheegay guddoomiyuhu si bilaash ah loogusoo dejisan karo Android iyo iPhone ayaa waxa uu u baahan yahay macaamiishu inay bixiyaan hal dollar oo lacag ah [$1] ka hor inta aysan bilaabin isticmaalkiisa.

Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan Soomaalida dibadaha ku nool ayaa mar hore is-diiwaan geliyay,Geeddi ayaa sidaasi sheegay, iyadoo xiisaha badan ee bulshadu ay muujisay uu ku qasbay adeegyada app-ka in uu culeys ku yimaado maalmihii hore.

Gabash

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Uma sheegi karo waalidkayga

Isticmaalayaasha ayaa waxaa laga dalbadaa inay bixiyaan faahfaahin naftooda ku saabsan si ay ugu fududaato raadinta lammaane ku habboon.

“Waan isku dayay app-ka, si fiican ayuuna u shaqeeyaa,” Rahma Hussein, 23, ayaa u sheegtay AFP.

” Way fududahay in la isticmaalo, waxaadna heli kartaa xulasho wiilal oo aad kala dooran karto,” ayay sii raacisay.

Cabdifitaax Aadan, oo ah wade mooto bajaaj ama tuktuk si uu nolol maalmeedkiisa ugu ugu maareeyo, ayaa AFP u sheegay in App-ka uu u muuqdo mid “cajiib ah”.

“Waxaan gudbiyay faahfaahinta lamaanahayga aan doonayo, waxayna isiisay doorashooyin, ilaa sideed gabdhood ah,” ayuu yiri.

“Waa inaan go’aansadaa oo aan doortaa mid.” Ayuu sii raaciyay

Laakin labadooduba waxay qireen in ay ogyihiin ceebaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran shukaansiga qadka dhexdiisa ah.

Cabdifitaax waxa uu sheegay in hooyadii ay ku qososhay kuna maadeysatay markii uu u sheegay in uu App-ka u isticmaalayay sidii uu xaas u heli lahaa.

“Waxay ii sheegtayhooyadey inay fududahay in qof la khiyaamo marka la isticmaalayo tignoolajiyada,” ayuu yiri.

Raxma ayaa sheegtay in iyada iyo asxaabteeda ay si qarsoodi ah u isticmaaleen app-ka si ay uga fogaadaan ceebaha qaraabadooda iyo in arrintan lagu dhaleeceeyo.

“Walaalkey wuu ogyahay inaan isticmaalo app guurdoon laakiin waalidiintayda ma oga, uma sheegi karo waalidkay in aan nin ama haasaawe aan ka raadinayo internetka halkaana aan ku shukaansado… sababtoo ah caadooyin iyo dhaqaan ahaan dhaqanka,” ayay tiri.

Laakiin shukaansiga online-ka ah ayaa sidoo kale haweenka siin kara badbaadada waddan macquul ah, kalkaaliso da’ yar ayaa sidaasi tilmaantay.

“Waxay ka dhib yar tahay la kulanka dadka aadan aqoon, marka aad qof ku barato qadka waxaad waydiin kartaa dhammaan su’aalaha aad rabto oo aad hubin karto in ay kugu habboon yihiin ka hor intaadan xitaa la kulmin,” ayay tiri iyadoo dhoola cadeynaysa.

Gabadh

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

‘Niyad wanaagsan’

Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa indhaha taagay, iyagoo la yaabban in App-ka ama barnamijkan uu la jaan qaadayo dhaqanka soo jireenka ah ee Geeska Afrika.

“Waxaan nahay bulsho qiimeysa kuna ad-adag diinteeda iyo caadooyinkeeda dhaqameed, aaladaha internetka ee sidan oo kale ah waxay jebin karaan qiyamkan sababtoo ah fikradda app shukaansi waxay ka timid ilbaxnimada reer galbeedka,” Mohamed Yasin, oo 35-jir ah, ayaa sidaasi u sheegay AFP.

Aabaha laba caruur ah oo ay xaaskiisi kala tageen ayaa si kastaba ha ahaatee guurdoon ku biiray kadib markii guurkiisii ugu horeeyay uu burburay, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo inuu helo xaas kale muddo dheer kadib.

“Waan isku dayay app-ka, laakiin waxay u muuqataa in dadka intooda badan ay ka been sheegaan xogta shakhsiga ah,” ayuu yiri Muxidiin Cabdinuur oo Muqdisho ku nool.

“Sidee ku dhacday in dhammaan gabdhaha iyo wiilasha la diiwaan geliyey ay leeyihiin sifooyin fiican? Waxaan u maleynayaa inay been sheegaan si ay si fudud ugusoo jiitaan lammaanaha ay doonayaan,” ayuu yiri.

Laakin waxa sarreysa rajadiisa ku aaddan in u uku guuleyso sababta uu barnamijkan ugusoo biiray.

“Laakiin xitaa haddii aanan helin lammaane ku habboon oo aan guursado, waxay weli sii kordhin doontaa khibradda shukaansigeyga”. ayuu yiri.

BBC

Hadalsame Media