Trump oo si cad u sharraxay qaabka uu uga aarsan doono MW Biden & Xitaa qoyskiisa haddii la doorto

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2023 – Musharraxa ugu cad cad ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay dhagaystayaal joogey Alabama inuu magacaabi doono dacwad ooge gaar ah oo baara dembiyada suurtagalka ah ee ay gaysteen wax uu ku sheegay “qoyska dembiyada reer Biden” maalintiisa ugu horreeysa ee uu la wareego xafiiska, haddii uu dib ugu noqdo Aqalka Cad sanadka 2024-ka.

Trump, oo saddex jeer dacwad lagusoo oogey afartii bilood ee la soo dhaafay iyada oo ay ku socdaan baaritaanno dembiyeedyo kala duwan oo lagu sameeyay hab-dhaqankiisa, ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay madal lacag ururin ah oo ka dhacday Montgomery:

“Maalinta doorashada 2024-ka, waxaan doonaynaa inaan Aqalka kasoo saarno ninka qalloocan ee Joe Biden. Waxaan doonaynaa in aan dembiilayaasha iyo tuugada kasoo saarno hoolalka awoodda ee Washington.”

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ayaa intaa ku daray in dacwad ooge gaar ah la magacaabi doono “maalintiisa ugu horreeysa ee xafiiska,” kaasoo ” baari doona mid kasta oo ka mid ah eedaha ugu muhiimsan ee ay soo saareen Congress-ka ee ku saabsan dhammaan falalka qalloocan, oo ay ku jiraan laaluushka Shiinaha iyo kuwo kale sida wadamada shisheeye ee lacagta ku shuba khasnadaha qoyska dembiyada Biden.

Trump ayaa hadlay maalin uun kaddib markii uu iska diiday eedeymo kala duwan oo ay ka mid yihiin inuu maleegayay khiyaano ka dhan ah Maraykanka, oo uu keenay la-taliyaha gaarka ah ee Jack Smith, taasoo qayb ka ah baaritaanka xaaladihii la xiriiray rabshadihii 6-dii Janaayo 2021 ka dhacay Aqalka Maraykanka ee Washington. DC

Hadalsame Media