MW Venezuela oo Maraykanka ku eedeeyey inuu “khaarajin” u qorsheeyey (Dal kale oo howsha loo xilsaaray)

0

(Caracas) 07 Agoosto 2023Madaxwaynaha Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa ku eedeeyey dhiggiisii hore ee Maraykanka ee Donald Trump inuu hormuud ka ahaa qorshe lagu khaarajin lahaa 2018-kii, isagoo ku andacoonaya in amarkaasi uu si toos ah uga yimid Aqalka Cad.

Isagoo ka hadlayey xuska sannad-guuradii 86-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidanka Ilaalada Qaranka ee Venezuela, sannad-guuradaas oo sidoo kale kusoo beegantay isla maalintii uu dhacay isku daygaa “khaarajinta” ahaa ee fashilmay shan sano kahor sida uu sheegay, ayuu Maduro ku eedeeyey Maraykanka iyo Colombia inay ku lug lahaayeen weerarka.

Madaxwaynaha ayaa ka hadlay “ku lug lahaanshaha shakhsi ahaaneed iyo midka tooska ah ee Madaxwaynihii hore ee Donald Trump uu ku lahaa, iyo in Aqalka Cad uu ku amray Madaxwaynaha Colombia inuu diyaariyo weerarka.”

Waxa uu intaa ku daray inay weerarka fulin lahaayeen “koox argagixiso” oo laga soo abaabulay dallka deriska la ah ee Venezuela.

Maduro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baaritaankii xigay uu daaha ka qaaday doorkii uu ciyaaray Madaxwaynihii Colombia ee xilligaas, Juan Manuel Santos, isaga oo sheegay inuu ahaa “shaqaale toos ah oo Maraykanka u jooga Bogota” isagoo maalgeliyey misna qorsheeyey shirqoolka dilka ah maalmo kahor inta uusan xafiiska ka tegin, sida uu ku andacoonayo.

Hadalsame Media