Laba arrimood oo ay muujinayso baacsiga lagu hayo ”basaasiinta Shabaab” ugu jira DF

0

(Muqdisho) 06 Agoosto 2023 – Kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ayaa muddo fog la aaminsana inay xubno ku dhex beerteen laamaha amniga ah ee dowladda federaalka ah.

Xubno caqiido ahaan u raacsan kooxda, kuwa lacago ka qaata iyo kuwa siyaasadda la gashay ayaa intaba kooxda Al-Shabaab u dhex joogay laamaha ammaanka ee dowladda, laakiin hadda waxaa bilaabatay in la kala miirmo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin kahor baahisay inay baxsadeen laba xubnood oo basaasin u ahaa kooxaha argagixisada kadib markii ay ogaadeen in xogtooda la helay.

Sidoo kale bayaanka dowladda federaalka oo uu akhriyay Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa lagu sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigtay toban xubnood kamid ah xubnihii argagixisada ugu dhex jiray laamaha ammaanka ee dowladda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa iyaduna barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku baahisay inay ku raadjoogto laba xubnood oo baxsad ah.

Xubnahaan oo magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxay kala yihiin; Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. Mid kamid ah xubnaha la sheegay inay baxsadeen ayaa ka tirsanaa ciidanka Duufaan, kuwaasi oo ay aas-aastay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Xubno la xukumay, kuwa xiran iyo kuwa baxsad ah kadib laba arrimood ayay tani ku cadeynaysaa maanta.

1. Inuu markii hore jiray isku-milan

Dhacdooyinkii la diiwaan-geliyay tobankii billood ee lasoo dhaafay ee iskugu jira, xubnaha loo xukumay la shaqeynta argagixisada, kuwa u xiran ee hadda baarista ku socoto iyo kuwa u baxsaday dhanka kooxda oo uu ku jiro nin darawal u ahaan jiray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

Waxay dhamaan ku caddeynayaan inay kooxda heshay fursad ay basaasiin iyo kuwa dhagartooda fududeeya ugu dhex sameysato hay’adaha ammaanka ee dowladda.

2. Inay socoto shaqo xoog leh

Tallaabooyinkan socda waxay ku xaqiijinayaan in dagaal dhab ah lagu jiro oo aad loo kala miirmayo, ayna shaqo fiican waddaan madaxda laamaha amniga ee dalka.

Xubnaha argagixisada ee laga yaabo inay weli ku dhex dhuumanayaan laamaha amniga ee dowladda, waxay sugayaan waa qabasho, xukumid ama sida hadda socota inay raggii u shaqeynayeen aadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in kuwa argagixisada la shaqeeya lagu raadjoogo, qaarna xogahooda la helay, ayna arrimahaasi la kaashanayaan khubaro caalami ah, iyada oo la adeegsanayo qalab casri ah.

Isha: Caasimadda Online

Hadalsame Media