Hindiya oo Afrika u dhoofisey sharoobo QUFAC oo lagu daray olyo-bareeg & Carruur ku le’atay (Magacyada shirkadaha & Somalia oo…)

0

(New Delhi) 02 Agoosto 2023 –Dowladda Hindiya ayaa ku amartay shirkadda dawooyinka ee Riemann Labs inay joojiso shaqada kaddib markii lagu eedeeyey in sharoobada qufaca ee ay samayso ay sababtay dhimashada ugu yaraan lix carruur ah oo ku nool waddanka galbeedka Afrika ee Cameroon bishii Maarso.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay New Delhi olole ku qaadayso shirikaadka sameeya dawooyinka ee dawooyinkooda loo dhoofiyo caalamka balse lala xiriiriyey tobannaan dhimasho ah oo ka dhacay dalal dhowr ah oo ku yaal Afrika iyo Bartamaha Aasiya.

Riemann, oo ka hawlgasha magaalada Indore ee gobolka bartamaha Hindiya ee Madhya Pradesh, ayaa laga mamnuucay soo saarista dawooyinka kaddib kormeer ay sameeyeen maamulayaasha dawooyinka ee gobolka iyo dowladda dhexe, sida uu Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Qoyska Bharati Pravin Pawar u sheegay Baarlamaanka, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Sarkaalka ma uusan caddayn in shatiga dawada sidoo kale la kansalay.

Tallaabadan ay qaaday Dowladda Hindiya ayaa kusoo beegantay kaddib markii Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ay shaaca ka qaadday bishii Juun in qayb ka mid ah  sharoobada qufaca ee ay dalka Cameroon ka gadday shirkad lagu magacaabo Naturcold ay ka kooban tahay maaddooyin aad u badan oo sun ah.

Horraantii, shatiyada saddex wershadood oo sameeya sharoobada qufaca ah – Maiden Pharmaceuticals Ltd, Marion Biotech iyo QP Pharmachem – ayaa howlohoodii la hakiyey dhoofintoodana waa la joojiyey kaddib markii laba ka mid ah shirkadahan lala xiriiriyey dhimashada ugu yaraan 70 caruur ah oo ku xijaabtey dalka Gambia iyo 19 ku dhimatay Uzbekistan sanadkii hore.

Dalka Somalia ayaa ka mid ah dalalka aan xitaa laba is waydiinayn amaba la ogayn haddii ay carruuri ugu dhimatay sharoobadan. Waxaa weliba Somalia u dheer inay ka howlgalaan ganacsato goowracato ah oo aan ka waabanayn inay xitaa keenaan dawooyin ay iyagu si kas ah hoos ugu dhigeen tayadooda.

Sharoobada ay Maiden ku qaybisay Gambia ayaa waxa ku jirey sunta dilaaga ah ee ethylene glycol iyo diethylene glycol, kuwaas oo loo isticmaalo dareeraha bareegga baabuurta.

Suntan ayaa waxaa lagu bedeley middii loo baahnaa ee propylene glycol sababtoo ah waxay kala bar dhanka qiimaha ka yar yihiin propylene glycol oo ahayd middii loo baahnaa in lagu daro sharoobada.

Hadalsame Media