Haddii aad bahalkaa aragto fadlan ha dilin! (Aqri sababta)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2023 – WEERCALAAN. Bal maskiinka maxay u dileen cidba wax ma yeelo e?

Bahalkaani waxa uu la bah yahay ragga kala ah; Waraabe/Dhidir ama Dhurwaa iyo Weer. Sida iyaga oo kale wax uma uu warjeefo oo hilibka ma cuno, mana uu daaqo oo baadka dhulka ka baxa sida xoolaha iyo Duurjoogta kale qaarkeed ma rifto.

Waxa uu ku noolyahay oo uu dhuunyado waa Cayayaanka sida Calaanbariga, Aboorka iyo wixii la too ah inta la ogyahay waana bahal iska shiddo yar oon dhib lahayn.

Garan aan mahayo haddaan malagiis galin sabab kale oo loo dili karo oo aan ka ahayn saddex qodob oo ruuxooduna duluc shishe oo loo garaabi karo aan lahayn, kuwaas oo kala ah:-

1) baasaysi codkiisa la baasaysto oo la yiraahdo waa fuqur balada saadiya.

2) bahal-u-ekaantiisa uu Habardugaag cad ku leeyahay.

3) bahal-wadid loo saariyo in uu soo horkaco kuwa wax halakeeya sida Libaaxa, Dhurwaayga iyo Weerka.

Si kastaba ha ahaatee Weerjaaluuskaas isaga oo dhaadan (lugaha ka xiran) raqdiisa lagu xoonsanyahay, dad aan xilkas ahayn in ay heeleen Baan filayaa.

Wadeeca Allah.

Goodirka Hawd

Hadalsame Media