Dhibaatooyinka caafimaad ee kaniiniga kahortagga uurka

0

(New York) 25 Luulyo 2023 – Dumarka Maraykanku waxay heli karaan kiniinka ka hortagga uurka iyag oo aan dhaqtar u qorin.

Maamulka cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in kaniiniyada ka hortagga uurka ee ‘Opil’ ay qaadan karaan dumarka da’ kasta leh.

Opil waxa ay sheegtay in kaniiniyada ay leedahay laga heli doono dukaamada daawooyinka horraanta saanadka 2024ka.

Waxa jira 100 waddan oo uu ku jiro Maraykanku oo kaniiniyada ka hortagga uurka laga heli karo dukaamada ama farmashiyaasha caadiga ah.

Marka laga reebo dalalka Laatiin Ameerika, Shiinaha, Ingiriiska iyo Hindiya ayaa soo raaca oo laga heli karaa kiniinkan.

Sida laga soo xigtay khubarada cudurada haweenka ee Maraykanaka, haweenka gaar ahaan dumarka da’da yar waxay u muuqdaan inay ka xishoodaan gadashada kaniiniyada ilaalinta uurka. Taasi hadda way dhamaan doontaa. Taas waxaa barbar socday, sidoo kale waxay la kulmeen dhibaatooyin xagga qaadashada daawaynta taranka la xiriirta (bacriminta) . hadda caawimo ayey ka heli doonaan.

Saameynta kiniinka ka hortagga uurka

Pratima Mittal, oo ah dhakhtarka haweenka ee cisbitaalka Amrita ee Delhi, ayaa sheegtay in kaniiniyada kahortaga uurka ee hore loo isticmaali jiray inay ku jiraan heerar sare oo maadada estrogen ah. Waxay leeyihiin waxyeellooyin, laakiin tiro ahaan waa la dhimay.

Khabiirka haweenka ee Dr. Suchitra Dalvi ayaa sheegtay in dumarku ay jidhkooda ku wada jiraan hormoonnada Estrogen iyo Progesterone labadaba. Isla hormoonnadan ayaa dumarka ka caawiya ka hortagga uurka. Waxay saameyn kala duwan ku leeyihiin jirka.

Daqaatiirtani waxay sheegayaan in kiniinka ka hor tagga uurku aysan lahayn dhibaatooyin badan. Balse qaadashada kiniinada magacyadoodu loosoo gaabiyo COC POP waxay saameyn ku yeelan karaan jirka haweenayda isticmaasha.

Dawooyinka ay ku jirto maadada estrogen waxay faa’iido u leeyihiin dumarka. Waxaa ka faa’iida dumarka leh xinjirowga, kuwa qaba xanuunada wadnaha, iyo kuwa qaba xanuunka dhiig karka.

Daawooyinka ay ku jiraan progesterone waxay keeni karaan calaamado ay ka mid yihiin xanuunka argagaxa, madax-xanuun, caado wareer, dawakhaad.

Kahor intaadan qaadan kaniiniyadan, waxaa la hubiyaa inaysan jirin cudurrada kelyaha, beerka, iyo kansarka.

Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, qaadashada kaniiniyada ka hortagga uurka waxay saameyn kala duwan ku leeyihiin haweenka.

Saameynta ay kiniiniyadani ku yeelan karaan jirka

– Biyaha jirka gala

– Qallafsanaanta jireed

– Finanka wejiga oo bata

– qallafsanaan naasaha ku timaad

– gadgadoon niyadeed (walwal iyo farxad isku dhow)

kiniin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dr. Pratima Mittal ayaa sheegtay in ka hortagga uur-qaadida la qaadan karo iyada oo aan waxyeello jirka loo geysan.

Dr. Suchitra Delvi ayaa sidoo kale ka hadlaysa xuquuqda haweenka. “Haddii haweeneydu ay sigaar cabto oo ay qaadato kaniiniyada ka hortagga uurka oo ay ku jiraan estrogen, waxay keeni kartaa xinjiro dhiig,” ayay tiri. Wax saameyn ah kuma yeelaneyso haddii isla dawadu ay leedahay maadada kale ee ‘progestrone. “

Sidaas oo ay tahay dhakhaatiirtu waxay qabaan fikradda ah in ay jiraan faa’iidooyin qaar oo ay qaadashada kaniiniyadan u leeyihiin caafimaadka dumarka.

Fa’iidooyinka dawooyinka ka hor tagga uurka

Tan ugu muhiimsan, kaniiniyadan waxaa loo isticmaali karaa kala korinta caruurta ee qoyska.

Waxay ilaalisaa cada wareerka.

Waxay caawisaa dhimista dhiigbaxa xilliga caadada.

Kansarka ugxan-sidaha ayey yaraysaa.

Gabar liqaysa kiniin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa jirta fikrad khaldan oo ah in qaadashada kiniinkani ay kordhiso halista kansarka, laakiin Dr. Pratima Mittal ayaa sheegtay in tani ay tahay fikrad khaldan.

Dr. Suchitra Delvi waxay tiri, tani macnaheedu maaha in haddii aad qaadato daawooyinkan maalin kasta, hormoonkani uusan jirkaaga ku kaydsameyn, laakiin wuxuu ka soo baxaa beerka.

Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaa in la qaato hal xabbo oo kaniinigan ah 120 saacadood gudahood xilliga gogosha ka dib. Tani waxay yaraynaysaa fursadaha uurka.

BBC

Hadalsame Media