Guddoomiye Sacdiyo oo su’aal xujo ah hordhigtay MW Deni oo markale kasoo celiyey Garoowe (Daawo)

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2023 – Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin, iyo wefdi ay hoggaaminaysey ayaa saaka lagasoo celiyey Puntland.

Waxaa la sheegay in amarku ka yimid hoggaamiyaha waqtigiisa sii dhamaanayo ee Maamulka Puntland, Siciid Deni, kaasoo fulinaya qaraarkiisi ahaa in Puntland joojisay wada shaqaynta DFS, waloow aanu sheegin sharciga uu go’aankaasi ku dhisan yahay.

Gud. Sacdiya iyo wefdigeeda oo ka qaybgeli lagaa caano-shubka suldaan beesheedu dooranayso oo la yiraahdo ayaa markii ugu horreeysey arrintan ka hadashay.

“Dadka kale ayay ku cusbayde aniga markii 2-aad bay ii ahayd.” Ayay tiri Sacdiyo oo tillaabada Deni ku tilmaantay nasiibdarro.

“Deni iyo dadkii uu qorraxda taagey ee uu lahaa dimoqraadiyad baan samaynayaa ayay xujadani hortaallaa maadaama nala soo celiyey annagoo aan xitaa siyaasad u socon.” Ayay ku doodday.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media