ATMIS oo amaan kala dul dhacday millateriga Somalia & Waxa ay sameeyeen

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2023 – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyey Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo fashiliyey weerar Al-Shabaab ay ku qaadi lahaayeen saldhig ciidan oo ku yaalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

”Argagaxisada Al-Shabaab ayaa khamiistii isku dayay in ay weerar ku qaaddo saldhiga ciidamada Albao iyo ciidanka Elishabiya balse waxaa iska caabiyay ciidamada XDS,” ayaa lagu sheegay war kooban oo kasoobaxay ATMIS.

Saldhigga ciidamada ee Albao ayaa ka mid ah lix saldhig oo ay dhowaan ciidamada ATMIS ay ku wareejiyeen ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya, taasoo qayb ka ah qorshaha bixitaanka howlgalka Midowga Afrika.

Ha yeeshee, Kooxda Al-Shabaab ayaa 13-kii bishii Luulyo la wareegtey saldhigga ciidamada Gerilleey ee koonfurta Soomaaliya, kaddib markii ciidamada ammaanka ee maxalliga ihi ay kala wareegeen ATMIS.

ATMIS ayaa 30-kii Juun la baxday 2,000 oo askari, waxaana la filayaa in lasoo saaro 3,000 oo kale bisha Sebtembar si loo waafajiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670, kaasoo faraya in mas’uuliyadaha howlgalka amniga meelahaa lagu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidanka XDS ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen 15 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab kuwaasoo ay ku jiraan saddex taliye fiidnimadii Khamiistii intii lagu jirey howlgallada ay ka sameeyeen gobollada Koonfur Galbeed.

Hadalsame Media