5 dal oo u badan deriska Ukraine oo si cad u codsaday in la mamnuuco badarka ka yimaada dalkaasi + Magacyada

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2023 – Shan dal oo xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa ka codsan doona Brussels in la kordhiyo mamnuucidda soo dejinta badarka Ukraine ee la gaynayo dalalka Midowga Yurub, Wasiirka Beeraha ee Poland ee Robert Telus ayaa sheegay Arbacadii, kaddib kulan uu la yeeshay wakiillo ka socda Hungary, Slovakia, Romania, iyo Bulgaria.

Sida laga soo xigtey Wakaaladda Wararka ee Reuters, Telus iyo dhiggiisa afarta waddan ayaa saxiixay bayaan wadajir ah oo ku saabsan kordhinta xayiraadda ilaa ugu yaraan dhammaadka sannadkan, markaasoo ay wadahadal la yeelanayaan Guddiga Maamula Midowga Yurub.

“Laakin heshiiska waxaa ku jira cadaynta wadajirka ah ee ah inaan aad ugu furannahay in raashinka ka imanaya Ukraine uu nasii maro.” ayuu Telus u sheegay Wakaaladda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Poland ee Mateusz Morawiecki, ayaa ka digey in dalkiisa laga yaabo inuu kaligii mamnuuco wax soo saarka Ukraine, haddii Midowga Yurub uu ku guuldarraysto inuu la yimaado habab iyo xeerar ilaalin doona beeralayda Poland marka uu dhamaado mamnuucida rasmiga ah ee Midowga Yurub saaray badarka Ukraine.

Shanta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay sii wadaan xannibaado ay ku hayaan soo dejinta qamadiga Ukraine, galleyda, iyo saliidda gabbaldayaha.

Hadalsame Media