Xulka Somalia oo booqan doona gobol kasta oo ka tirsan qaaradda Afrika (Arag sababta)

0
DOHA, QATAR - JUNE 20: Somalia players pose for a team photo ahead of the 2021 FIFA Arab Cup Qatar Qualifiers match between Oman and Somalia at Jassim Bin Hamad Stadium on June 20, 2021 in Doha, Qatar. (Photo by Mohamed Farag - FIFA/FIFA via Getty Images)

(Abidjan) 16 Luulyo 2023 – Waxaa Jimcihii dalka Ivory Coast lagu sameeyey isku aadka isreebreebka Koobka ADDUUNKA oo 2026 lagu wada qabanayo dalalka Maraykanka, Mexico iyo Canada.

Waxaa la sameeyey 9 guruub oo min 6 dal ah oo ku ciyaari doona guri iyo dibed, qaab is wada arag ah, iyadoo koox kasta oo guruubka ku guulaysata inay si toos ah ugu soo bixi doonto Koobka Adduunka ee FIFA 26™.

Dalkeenna Somalia ayaa sidii la filayeyba sanadkan markii ugu horreeysey taariikhda ka qaybgelaya isreebreebka Koobka Adduunka isagoo hoos ka hoggaaminaya Gurubka G maadaama uu dheriga ugu hooseeya galay.

Haddaba, Somalia ayaa nasiib u heshay inay booqato ku dhowaad gobol kasta oo ka mid ah Afrika, min woqooyi, galbeed, koonfur ilaa bariga, marka laga reebo bartamaha qaaradda, waloow Uganda ay juqraafi ahaan wada meteli karto bariga iyo bartamaha.

Waxay Somalia Wareegga G kula midaysan tahay dalalka Algeria, Guinea, Botswana, Mozambique iyo Uganda. Haddaba, hoos ka eeg halka ay juqraafi ahaan ku kala yaallaan.

May be a graphic of map and text that says 'GROUP G TEAM LOCATIONS ALGERIA SOMALIA GUINEA UGANDA FIFA 「 BOSTWANA SOMALIC ATHLETE MOZAMBIQUE'

Hadalsame Media