Maadaama ay Soomaalidu bilaabeen xoolo-dhaqashada casriyaysan 5 arrimood oo ay MUHIM tahay in la ogaado

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2023 – Adhigu wax uu ka kooban yahay ido iyo riyo, sida la wada yaqaan. Labadaa dhaqashadooda waa la is ku daraa oo sidii meesi keliya ayaa loo la dhaqmaa, run ahaantii se waa laba meesi oo abuur ahaan ka la jaad ah oo ka la baahi duwan. In ay is oggolaadeen oo la is ku wadi karo ayaa la isu gu daray, laakiin waxaa la dhihi karaa waa ay is ku dulman yihiin.

Intan oo siyood bay u ka la duwan yihiin idaha iyo riyuhu:
1. Riyuhu wax ay lee yihiin dabciga ugaadha, sida dibtaagta iyo deerada, daaqooda kowaadna waa caleenta iyo in ay dhirta salooshaan in kasta oo ay cawskana ku noolaan karaan, sidaa darteed ka ma maarmaan jeexyo caleen ama xaab leh. Taa beddelkeeda idaha daaqooda kowaad waa cawska oo ay ka la mid yihiin cawsha iyo lo’da, caleentana ka ma dayriyaan marka ay ku qasban yihiin.
2. Riyuhu waa dhogor-yar aan u adkaysan karin dhaxanta iyo dhibicda roobka, wax ayna jecel yihiin dhulka dugsiga iyo gabboodka ah. Taa beddelkeeda iduhu waa dhogor-weyn dhaxanta iyo roobkaba u adkaysi badan, wax ayna ku tanaadaan bananka furan ee laydha leh, ku mana tarmaan dhulka ayda iyo huurka ah oo waa ay ku gubtaan.
3. Riyuhu waa geesley madaxooda warmo ka qatomaan oo waxa ay geliyaan ku dooxa, halkaana waxaa ku dulman idaha la gu dhex daray oo aan iyagu lahayn gees ay ku dagaallamaan.
4. Riyuhu aad bay u socsocdaan una dheereeyaan, idihuna waa ay gaabiyaan, wada socodkooduna dabiici ma aha ee waa la qasbay.
5. Riyuhu habeen iyo maalinba aad bay u qalaadaan oo u qaloombiyaan, iduhuna waa noole aamusan oo deggan oo asturan, halkaana iduhu waa ay ku dulman yihiin oo waa tii sumalku orgiga u ga eedsheegtay.
Geela ayaa isaguna riyaha u dabci dhow oo caleenta ka ma maarmo isaga oo cawskana daaqa, dhaxantana neceb oo dugsiga jecel. Siiba geelu sinaba u ga maarmo caleenta iyo jabsiga laamaha curdinka ah in uu muddadiiba mar helo, siiba dhirta xananka (sogsogta).
Maanta haddaba marka la bilaabay in dhaqashada xoolaha la casriyeeyo oo xerooyin la gu hayo, daaqna loo ga dhigo dheefta loo yaqaan calaf, arrimahaa waa in xisaabta la gu daraa.
Xasan-Ganey wax uu yidhi:

Meel idaha seel u leh

Riyahana salool u leh

Oo geela saar u leh

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media