Faa’iidooyinka laga helo MOOSKA? Muxuu ka taraa shaqada KELYAHA ee muhimka ah & Cayilka?

0

(Hadalsame) 09 Luulyo 2023 – Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

Faa’iidooyinka caafimaad ee Mooska waxaa ka mid ah:

1: Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”: mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sare u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.

Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

Macdanta Potassuim ee jirka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jirka taas oo mooska laga helo.

2: Waxa laga helaa tamar “Energy”: Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jidhku in uu helo tamar ku filan.

3: Wuxuu xoojiyaa lafaha: Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha. Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan.

Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan kor ku soo xasnay ee bootaasiyamta, macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

Mooska waxaa ku jira macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.
Qoraalka sawirka,Mooska waxaa ku jira macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

4: Wuxuu yareeyaa sonkorta dhiigga: Mooska aan safiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaano “Pectin” iyo “resistenat starch” labaduba waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigga, sidaas awgeed cunnada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan safiican u bislaaday.

5: Dheefshiidka: Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.

Maskaxda: Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah “Dopamine” iyo “Catechins”, waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.

6: Cayilka: Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cunanda xakamayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan safiican u bislaanin.

Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midak biseelka billaabi rabo ama xoogaa cayriinka ah. Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.

7: Kelyaha: Macdanta Potassium-ka waxay muhiim u tahay shaqada kelyaha ee caafimaadka qabta iyo xakamaynta cadaadiska dhiigga.

Mooska wuxuu si gaar ah faa’iido ugu yeelan karaa ilaalinta caafimaadka kelyahaaga.

Daraasad la sameeyay sannadkii 2019 ah taas oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 5,000 oo qof oo qaba marxaladda hore ee xanuunka kelyaha ayaa lagu ogaaday lala faa’iida mooska uu leeyahay keliyaha sababo la xiriira potassium-ka ku jira.

Hase yeeshee dadka qaar ee qaba cudurka kelyaha ee gaaray marxaladda.

BBC

Hadalsame Media