ISKA JIR!! Dad badan baa sida Gustavo Fring laba weji bulshada kula nool

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2023 – Gustavo Fring oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdo Giancarlo Esposito, waa ganacsade leh sil-silad meherado cunno oo lagu magacaabo Los Pollos Hermanos oo sameeya cunnooyinka fudud. Gustafo, waa shakhsi mutawaadic ah, isaga oo mulkiilaha ah, misana si wanaagsan u soo dhaweeya macaamiisha, dhiirrigeliya shaqaalaha, nadaafaddana ka qeyb qaata.

Waa shakhsi aad u nidaamsan, lebiskiisa, qorshe-maalmeedkiisa iyo guud ahaanba noloshiisa, laakiin intaa keliya kuma eka, Gustavo waa mooryaan weyn oo ka ganacsada daroogada, meheradihiisaasna waxaa uu ku kala wadaa iibinta daroogooyin aad khatar u ah, iska daa in dowladdu fahanto eh, shaqaalaha meheradihiisa jooga, ma oga ninkaan waxa uu ka ganacsado.

Gustavo, waxaa uu bulshada iyo dowladdaba ku indho-sarcaadiyey gacan furnaan, taas oo uu si gaar ah ugu deeqo la dagaallanka mukhaadaraadka. Waa ay adagtahay in laga shakiyo, iska daa in la fahmo shakhsi intaas oo waji ciyaaraya.

Shakhsiyadda Gustavo Fring waxa ay ku jirtaa musalsalka caanka ah ee Breaking Bad, kaas oo kamid ah musalsallada dunida loogu jecelyahay, kaas oo uu Gustavo ka yahay laadarka weyn ee filinka wada.
Waxyaabaha aan ka bartay shakhsiyadda Gustavo waxaa kamid ah in aan aamino jiritaanka shakhsiyaad bulshada dhexdeeda magac, mansab iyo maqaamba kuleh ay ciyaari karaan wajiyada badan ee ninkaani jilay, dad badan oo bulshadu u haysato in ay awliyo yihiinna, laga yaabo in ay sabab u yihiin dhibaatooyin baaxad leh oo ummada haysta.
Akhriste, anigoo jeclaa in aan tusaaleyaal raaciyo, misana waxa aan jecleystay in aan maankaaga ku dhibciyo dareen feejignaan ah, taas oo kaa ilaalisa in aad cidwalba oo wanaagga u calan wallaysa laga heli karo dad sida Mr. Gustavo ah oo kale, si xifadsysanna bulshada uga dhex kalluumaysta, lagaba yaabee in aad adigu aragtay tusaaleyaal lamid ah kan aan soo xusay.
W; Q: Cabdullaahi Bootaan

Hadalsame Media