Goorma ayaa loo garqaadi doonaa qoyska Ikraan Tahliil iyo xubnaha u eedaysan?

0

(Hadalsame) 27 Juun 2023 – Labo sano ayaa laga jooga markii la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Xilligaas waxaa hay’adda madax ka ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Gabadhaan ayaa qoyskeeda sheegeen in gurigii ay deganeyd looga soo qaaday gaari ay hay’adda NISA laheyd, xilli Muqdisho u dabaal-degaysay habeenkii xoriyadda ee 26-kii June.

Tan iyo xilligaas Ikraan lama hayo. Taliskii hore ee NISA oo muddo laga sugayay in arrinta gabadhan xogteeda cadeeyaan ayaa bishii September 2021 waxay sheegeen in Ikraan ay afduubteen kooxda Al-Shabaab kadibna ay dileen.

Laakiin waxaa hadalkaas ganafka ku dhuftay ra’iisul wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo sheegay in hadalkaas uusan raad laheyn Ikraan aysan jirin dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay in Ikraan Tahliil xagooda ku maqan tahay, waxayna sheegeen inay la fajaceen eedeynta NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa eedeyn kusoo oogay Taliyihii hore ee NISA Fahada Yaasiin oo hadda wax xil ah hayn, Cabdullaahi Aadan Kulane oo hadda Xildhibaan ah, Yaasiin Farey oo hadda Xildhibaan ah iyo Sarkaal la yiraahdo Wadna-qabad.

Goobihii ay dacwada geeyeen ayuu qoyska dhaliileen, kuwaas oo ay sheegeen inay qaar kiiska siyaasadeeyen, qaarna aanay furin. Weli looma gar-qaadin qoyska Ikraan Tahliil iyo saraakiisha u eedeysan maqnaashaha gabadhaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyihiisa Nabad-sugidda Mahad Maxamed Salaad waxay hore u sheegeen in aay ka hari doonin cadaalad u helida Ikraan Tahliil Faarax.

Maanta iyaga ayaa xukunka haysta, laba sano ayaa laga jooga markii gabadhaan la waayay. Dadka waxay isweydiinayaan goorma ayaa loo gar-qaadi doona qoyska Ikraan Tahliil iyo ragga u eedeysan kiiskan.

Intii lagu jiray cadaalad u raadinta kiiskaan, waxaa la dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd qofkii ugu miisaanka cusla ee ku daba jiray kiiska Ikraan Tahliil.

Dilka Xildhibaan Aamina kadib ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku xiray labada kiis, isaga oo sheegay in dadka Ikraan Tahliil ku maqneyd ay sidoo kale dilka Aamina ku lug leeyihiin, taas oo baarayaasha siinaysa dariiq ay wax ka bilaabaan.

Fahad Yaasiin ayaa markii uu Muqdisho ka dhoofay kadib wareysi uu bixiyay wuxuu kiiiska Ikraan ku eedeeyay Rooble, Al-Cadaala iyo Mahad Salaad. Laakiin dadka waxay eedaas ku fasireen inuu Fahad ka cadheysnaa kursigii Xildhibaannimo ee sida tooska ahaa looga hor istaagay.

Si walba, kiiskaan weli warkiisa ma cada, dadweynaha waxay u badan yihiin kuwa dalbanaya in baaristiisa iyo cadaalad u helistiisa la bilaabo.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo la yiraahdo Qaali Guhaad ayaa markale waxay xalay ku celisay magacyada Fahad Yaasiin, Kulane, Yaasiin Farey iyo Wadna-qabad oo ugu eedeysan kiiskaan, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo taliye Mahad Salaad weydiisatay in cabashadeeda wax laga qabto.

“Aniga caawa murug ayay ii tahay, ayada oo loo dabaal-dagayaalo maalintii aan xorownay, laakiin murugtaas ayaa i heysato waa damaashaadi jiray meel kasta oo dunida uga noolahay laakiin labadaan sanno waa iiga bedalan tahay xanuun, gabadhiina sidii ayay iiga naqan tahay” ayay tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhdaad.

“Gabadheeda waa la’ahay waa la dhibaateeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Fahad Yaasiin Taliska u joogay, Cabdullaahi Kulane, Yaasiin Farey, Wadnaqabad iyo darawalkii Kulane intaas oo u shirtay gabdheeda ayay ku maqan tahay. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud aniga dulmane ayaan ahay qof nool ayaa iga maqan oo iga hor muuqato geeri iyo nolol waa inaan mid ku helo.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaan kaloo baaq u dirayaa taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dalka Mahad Maxamed Salaad waxaad fadhisaa hay’addii ugu weyneyd waddanka cadaalad ayay idinka baahan tahay Ikraan.”

W; Q: Cabdullaahi Cusmaan Faarax

Hadalsame Media