Cunnooyinka ugu fiican ee lagu nafaqeeyo carruurta & ahmiyada ay leeyihiin

0

(Hadalsame) 27 Juun 2023 – Caruurtu waxay u baahan yihiin nafaqo lamid ah mida dadka waawayn ay helaan. Qof walba wuxuu u baahan yahay nafaqo si jirkiisu uu u joogteeyo caafimaad qabka. Balse caruurtu waxay dadka waawayn kaga duwanyihiin jirkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah, sababtoo ah jirkooda wuxuu sameynayaa koritaan joogto ah.

Ilmaha aan helin nafaqo kufilan waxaa ku dhici kara xanuuno ka dhasha nafaqa darada, sidoo kale waxaa yaraanaysa koritaankooda.  Noocyada nafaqada caruurta ama macdanaha ilmuhu u baahan yahay waxaa kamid ah, fiitamiinada, borotiinada, kaarbohaydarate, iwm.

Ku dadaal oo ka taxadar koriimada ilmahaaga, caanaha naaska hooyada ayaa ah kuwa ugu nafaqada badan ee ilmuhu u baahan yahay. Nafaqada kujirta caanaha naaska hooyadu waa mid isku dheelitiran, wax walbana laga helo.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in caanaha naaska hooyadu ka hortagaan cuduro badan. Waxaa kaloo la ogaaday in cunuga caba caanaha naaska hooyadu inuu ka koriima fiicnaado kana maskax fiicnaado ilmaha aan cabin caanahaas.

Baro oo sii ilmahaaga nafaqada ku haboon

Borotiinnada: Boratiinku waa maado jirkeenu u baahan yahay, waxay ka qeyb qaadataa dhismaha murqaha jirka. Cuntooyinka laga helo boratiinka ugu badan waxaa kamis ah; Cuntooyinka bada sida kaluunka, ukunta, digirta, lowska, hilibka xoolaha.

Sharaabka laga shiido midhaha: Ku dhiira geli ilmahaaga inuu cuno midho badan sida, canbaha, liinta, babaayga, mooska. Sidoo kale sii ilmahaaga sharaabka laga sameeyay miraha aan soo sheegnay, balse ha ku darin wax sonkor ah. Ha u soo gadin ilmaha sharaabka dhalooyinka kujira, waayo waxaa laga yaabaa in lagu daray sonkor xad dhaaf ah.

Qudaarta Cagaaran: Bar oo sii ilmahaaga qudrada cagaaran, qudrada cagaaran waxay siyaadisaa abateedka qof walba.

Cuntooyinka leh gaaska: Cuntooyinka gaska leh waxaa kamid ah, haruurka ama masagada, galayda, boorashka. Dhamaan cuntooyinka gaaska leh waxay caawiyaan caafimaad qabka caloosha, dadka badsada cunida cuntooyinkaas waxay ka bad baadaan cudurada caloosha ku dhaca sida gaas calooleedka. Caruurta oo la siiyo cuntooyinkaan waxay ka faa’idaan koriimo caafimaad qabta iyo fir fircooni.

Kula dadaal ilmahaaga cunida ama cabida cuntooyinka laga sameeyo caanaha xoolaha ee aysan sonkortu ku badnayn, sida, ciirta, caana garoorka, farmaajada.

Ka ilaali ilmahaaga cuntooyinka ay ku badanyihiin dufanta iyo sonkortu. Labadaas shay jirkeenu kama maarmo laakin waan in siifican loo xakameeyaa sababtoo ah waxay siyaadiyaan khatarta xaalado caafimaad.

U noqo ilmahaaga qof ay ku daydaan, waxaa hubaal ah hadii waalidku uusan daryeelin cunnada uu cunayo in ilmuhuna la mid noqonayo waalidkiis. Ogoow caruurtu waxay mar walba ku daydaan waalidkood, sidaa owgeed tus oo bar ilmahaaga cuntooyinka u wanaagsan caafimaadkiisa.

Khasaarada ay leedahay cayilka caruurta

Cayilku sidiisaba maahan wax fiican, waxaana laga qaadaa cuduro halis ah, sida wadna xanuun, dhiig kar, sonkorow, neef, hurdo xumo, qaar kamid ah kaankarada, niyad jab, bulshada oo takoorta qofka, cidlo iyo kalinimo, jimcsiga oo ku adkaada qofka iyo waxyaalo kale oo badan.

Faa’idada ay leedahay nafaqada caruurta

  • Koritaanka ilmaha oo si miisaaman u socda
  • Maskaxda ilmaha oo caafimaad qabta
  • Waxbarashada ilmaha oo wanaagsanaata
  • Lafaha iyo murqaha cunnuga oo xoog yeesha
  • Dhaawacyada soo gaara ilmaha oo si deg deg ah ku buskooda
  • Difaaca jirka oo adkaada

Daryeel Magazine

Hadalsame Media