Horyaalka Sucuudiga oo noqday horyaalka qura oo fallisi kara EPL (Laacib loo gaarey mushaar 5 jeer ka badan….)

0

(London) 26 Juun 2023 – Riyad Mahrez ayaa noqon doona bartilmaameedka xiga ee kooxda Al-Ahli haddii kooxda Saudi Arabia ay soo gabagabayso heshiisyada Roberto Firmino iyo Edouard Mendy.

Goolhaye Mendy ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee Chelsea uu u wareegi doono kooxda ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga ee N’Golo Kante,  Kalidou Koulibaly, iyo Kaloli Juulibily. Halka Firmino uu caafimaadka u marayo Al-Ahli kaddib markii uu Liverpool uga tegey si bilaash ah.

Xiddigga Manchester City ee Mahrez ayaa ku xiga liiskan dheer waxaana la siin doonaa £43 milyan oo ginni sanadkii taasoo lagu daray gunnooyin qandaraas labo sano ah.

Waxaa la fahamsan yahay in Mahrez, oo hadda fasax ku jooga koonfurta Faransiisku, uu xiisaynayo inuu xirfaddiisa kusoo gabagabeeyo Sucuudiga.

Waxa uu noqon doonaa 33-jir bisha Febraayo ee soo aaddan, dalabka Al-Ahli ayaana shan jeer ka wayn £8.5m oo qandaraas kordhin ah oo uu sanadkii ku qaadan laha City xagaagii hore.

Hadalsame Media