Dagaallada ka socda Garoowe & Qaybaha kale ee dalka oo lasoo jeediyey in dad loo maxkamadeeyo

0

(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Garoowe oo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya kuwa ugu nabdoon, walibana aan ciidan ajnabi ahi joogin ee ay Dowlad Goboleed Soomaaliyeed oo guun ahi ay ka taliso, maanta xabbad ayaa ka dhacday, sababtay dhaawac iyo dhimasho.

Laas Caanood hore ayay uga socotay. Baraawe xasarad ayaa ka aloosan. Beledwayne xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan.

Intaba waxaa ka dhacay dembiyo dagaal oo isugu jira hurin colaadeed, faafin qolo nacayb, isku dir iyo cunaqabateyn bulsho, dhiirri gelin xasuuq iyo hanjabaado gaaray in dayaarado rayid ah la soo ridi doono.

Intaas oo dhan markhaatigooda oo maqal iyo muuqaal ah oo suugaani ay ku laran tahay wuxuu yaallaa baraha bulshada. Dalku waa wada Dowlad iyo Madaxweyne – Heer Gobol iyo heer Federaal.

Goorma ayaan arki doonnaa qofka ugu horreeya ee Maxkamad lagu soo taago in uu ku eedeysan yahay dembi dagaal, si ay uga waantoobaan inta isaga ku dayan lahayd? Mise Waxaan ka sugnaa in ay Yurub iyo Maraykan ay inoo sheegaan Soomaaliga ku xadgudbaya Soomaaliga kale.

Shakhsiyaadka ka soo daahay dagaalladii sokeeyow, walaaayaalow ogaada Soomaali iyo Caalamka kaleba ma joogaan siddeetmaadkii iyo sagaashanaadkii.

W; Q: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media