Maxaa laga ogaadey caafimaadka maskaxda iyo isticmaalka telefoonnada casriga ah?

0

(Hadalsame) 18 Juun 2023 – Taleefankii gacanta ee ugu horreeyay waxa la sameeyay 50 sano ka hor, tan iyo markaas aaladahani waxay noqdeen kuwa lama huraan ah oo naga caawiya fududeynta nolol-maalmeedkeena . Laakiin sidoo kale miyay beddeleen habka maskaxdeennu u shaqeyso?

Sida qaar badan oo naga mid ah, waqti badan ayaan ku qaadanaa taleefoonka.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu ogaaday in dadka waaweyn ee Mareykanka ay eegaan taleefanadooda, celcelis ahaan, 344 jeer maalintii – hal mar afartii daqiiqaba – oo ay ku qaataan ku dhawaad seddex saacadood maalintii guud ahaan.

Mararka qaar waxaad arkeysaa adiga oo si weyn ugu mashquulsan teleefoonkaaga gacanta, waxaana eegeysaa teleefoonka adiga oo raadinaya farriinta ku dhaaftay oo lagu soo diray ama in aad la socota adeegyada kale ee teleefoonka ku jiro sida baraha bulshada. Cilimi baarayasha ayaa sheegay in taas ay keeneyso in maskaxda ay qabatintu isticmaalka taleefonka oo mar walbo ay kuugu dhiiragiliso in aad soo qaado taleefonka oo aad isticmasho.

Xiriirka nagala dhexeeyo teleefoonada casriga ah ayaa xoogeysanaya, waxayna qeyb ka noqdeen nolosheena.

sawir maskax

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Taleefonada casriga ah ayaa qabto shaqooyin dhowr ah sida in lagula socdo xaaladda wadne garaaca ama qofka qaba dhiig karka, waxay teleefoonada ku yihiin wehel marka aad kaligaa safreysid, waxaana adag in xiriirka nagala dhexeeyo teleefoonada lagu tilmaamo ‘baahi loo qabo’ in lala ‘qabatimay

Dada badan waxay teleefoonada ku sitaan jeebabka, wuxuu qeyb ka noqday dunida carsiga ah, wuxuu fududeeyay la socodka xaaladda adduunka.

Taleefoonada casriga

Neil Watson oo ah cilmi baare qaabilsan teknooloojiyadda wuxuu ku doodaya ‘in shirkadaha soo saara teleefoonada ay noqdeen matoorki wax u sahlayay dadka sameeya adeegyada casriga ah ee teleefoonada laga helo” dhinaca kalena loo baahan yahay in la aqoonsado in shirkadaha soo saaro teleefoonada caaqiilka ay xal u raadinayaan arrinatni.

Marka ay ku tiirsanaanta talefannada casriga ah kororto, sidaas oo kale saamaynta maskaxdeenna uu kuyeelanaya ayaa badaneysa.

Marka laga soo tago saameynta isticmaalka taleefonka uu kuyeelanayo maskaxdeena,Daraasad ayaa lagu ogaaday in helitaanka xasuusinta dhijitaalka ah ay dhab ahaantii hagaajisay waxqabadka ka qaybgalayaasha daraasad lagu ogaanayay saameynta taleefonka uu maskaxda ku yeesho .

Dhaqaatiirt maxay kayirahdeen joogteynta isticmaalka taleefoonka

dad taleefon kumashquulsan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka taleefoonka uu yeelan karo “cawaaqib aad u xun” oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda.

Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray “dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah”.

Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda – waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan – kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen.

Talaabooyinka aad ku yareyn karto isticmaalka Taleefoonka casriga ah

Haddii inaad ka takhalusto telefoonkaaga casriga ah ay kugu adag tahay balse aad weli ka walaacsan tahay inaad waqti badan ku bixiso, waxaa jira tallaabooyin kale oo aad ku yareyn karto.

Inkastoo ay markii hore u muuqatay wax aan suurtogal ahayn, haddana app-yo badan ayaa soo baxaya kuwaas oo kaa hor istaagaya rogrogidda micno darrada ah ee telefoonka.

Tusaale ahaan, app-ka Freedom wuxuu kuu sahlayaa inaad si ku meel gaar ah isaga xirto app-yada iyo baraha internet-ka si aad howlahaaga kale diiradda u saarto. Sidoo kale Off The Grid ayaa kuu suurto gelineysa inaad xirto telefoonkaaga muddo cayimad.

Dhaqaatiirta cilmi nafsiga ayaa ku taliniya inaad waqtiyo gaaban telefoonkaaga demiso amaba aad guriga uga tagto, kaddibna aad tartiib tartiib u kordhiso muddada sugitaanka.

BBC

Hadalsame Media