(Hadalsame) 15 Juun 2023 – HADDII AAD DA’DA 50 JIRKA DHAAFTAY, TALOOYIN AAN KU SIIYO
Haddii aad da’da konton jirka dhaaftay, waxa aan ku siinayaa sagaalkan talo ee soo socda:
1 – Mar kasta dhiig kar iyo sonkor iska baar.
2 – Aad u yarayso; cusbada, sonkorta, hilibka iyo raashinka la kaydiyay, hilibka cas, caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo, firileyda (bariiska iyo burka iyo waxa laga sameeyo), cabitaannada gaaska leh.
3 – Badso cunista khudradda, furutada iyo iniinyaha (nuts).
4 – Iska illow in aad xusuusatid; da’daada, tagtadaada iyo dadkii ku dulmiyay.
5 – Mar walba hubi in aad leedahay; saaxiibbo si dhab ah kuu jecel, qoys ku dar yeela, han sare iyo deegaan dhibaatada ka dheer.
6 – Shan arrin oo caafimaadkaagu ku jiro ku dadaal; soonka badi, dhoola-caddeynta badi, safarka badi, socodka badi, miisaankaagana dhin.
7 – Afar arrimood ha sugin; in uu harraad ku qabto si aad biyo u cabtid, in ay hurdo ku qabato si aad u seexatid, in aad daashid si aad u nasatid iyo in aad bukootid si aad isu baartid.
8 – Xiriirka Alle kaala dhexeeya ku raaxayso (Qur’aanka aqri, habeenkii salaad u toos, ducadana badi).
9 – Istaaqfaarta iyo Salliga Nabiga (SCW) badi, waxad markaas heli doontaa khayr badan oo kaa soo gala xagga caafimaadka, degganaanta qalbiga iyo maalka.
W; D: Sabriye Muuse
Hadalsame Media
Facebook Comments