Cody Gakpo oo sheegay sirta ka dambaysa inuu hagaago bandhiggiisa kooxda Liverpool

0

(Hadalsame) 14 Juun 2023 – Cody Gakpo ayaa daaha ka qaaday in uu ku raaxaysanayo booskiisa cusub ee uu u helay macallinka Reds isaga oo ah weeraryahan dhan walba ah sheegay inuu u noqonayo Liverpool.

24-sano jirkan ayaa dhaliyey todobo gool kaddib markii uu ku biiray kooxda Jurgen Klopp bishii Janaayo, waxaana uu kalsoonidiisa dib u helay markii macalinkiisa cusubi uu ka dhigay nin door fiican ku leh kooxdiisa.

Waxa ay markii hore u ahayd bilow bilaa miro ah nolosha horyaalka Premier league ninka reer Holland kaddib markii uu kasoo dhaqaaqay PSV, isaga oo aan wax gool ah dhalin lixdii kulan ee ugu horreeyey, laakiin waxa aanu shaki ku jirin in badalka booskiisu uu mas’uul ka ahaa qaab ciyaareedkiisa hagaagey markii dambe.

Gakpo ayaa yiri: “Hadda booska aan uga ciyaarayo Liverpool waxaan u malaynayaa inuu yahay boos fiican. Waxa aan ku qancay in weerarka dhexe uu igu habboon yahay.”

”Waxay ahayd xilli adag markii ugu horreeysey ee aan imid. Isaga [Klopp] waxa uu ii sheegay waxa uu iga rabo. Bilowgii, dabcan, waxay qaadatay xoogaa la qabsi ah, laakiin waxaan u riyaaqay ka ciyaarista booskaas bilihii lasoo dhaafay.” ayuu raaciyey.

Gakpo waxa uu weeraryahan ahaan ugu ciyaaray xulka Netherlands markii ay usoo baxday wareega 8-da ee Koobka Adduunka ee Qadar, laakiin Eredivisie waxa uu ka ciyaari jirey garab weerar.

Hadalsame Media