MW Deni oo QM ka aqbalay arrin uu ka diidanaa DF Somalia

0

(Hadalsame) 11 Juun 2023 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa markii koowaad booqatay magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Laing oo dhowaan loo magacaabay xilkan, balse Somalia horay u joogi jirtey 1993-kii, ayaa kulan la qaadatay MW Puntland ee Siciid Deni oo ay sheegtay inay lasoo qaadday dhowr qodob oo muhim ah oo ay ugusii mudnaayeen doorashadii degaanka ee sida guusha leh uga qabsoontay halkan ilaa 30 degmo 25-kii Maajo.

Waxay sidoo kale tibaaxday inay isla soo qaadeen xaaladda bini’aadminnimo ee aadka u daran kaddib markii ay ku barakaceen 100,000 oo qof, marka la eego colaadda Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo uga mahadcelisey sida ay u garab istaageen dadka barakacayaasha ah, una ballanqaadday kaalmada QM iyo saaxiibada caalamiga ah.

”Waxaan kaloo ka wada hadalnay mashruuca dowlad-dhisidda iyo nabad-raadinta ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, waxaana aad ugu farxay inaan maqlo sida cad ee ay Madaxwaynaha uga go’an tahay wadahadallada oo uu kaalintiisa ka qaadanayo safarka aan ku guda jirno ee abuurista iyo dhamaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka.” ayay tiri Catriona Laing.

Waxaa xusid mudan in haatan aysan wada shaqayni ka dhaxaynin DF Somalia & Maamulka Puntland oo ku khilaafay tillaabo kasta oo ay qaadday in muddo ahba taasoo ay ku jirto dhamaystirka Dastuurka, guddiyada la magacaabay, deeqaha dibedda, geeddi socodka dowlad-dhisidda, qaan cafinta, qaybsiga khayraadka, sahminta saliidda badda, wada hadallada Somaliland iyo qaar kale oo badan.

Hadalsame Media