Ruushka oo sheegay inay dejiyeen markabkii u dambeeyey Ciidanka Badda Ukraine (Ciidan aan horay dagaalka ugu jirin oo…)

0

(Moscow) 31 Maajo 2023 – Millateriga Ruushka ayaa sheegay inuu ”burburiyay” markabkii dagaal ee ugu dambeeyey” Ukraine, ee Yury Olefirenko, kaddib weerar cirka ah oo shiishkiisu saxan yahay, Wasaaradda Difaaca ee Moscow ayaa sheegtay Maanta.

“Maajo 29, iyada oo ka faa’iidaysanaysa Ciidamada Hawada Sare ee Ruushka markabkan dagaal oo ku sugnaa dekedda Odessa, oo ah markabkii ugu dambeeyey ee ciidamada badda ee Ukraine, Yury Olefirenko, ayaa la burburiyey,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay warbixin ay la wadaagtey kannaalka Telegram-ka.

Maalin kahor, weriyaha dagaalka ee Andrey Rudenko ayaa sidoo kale soo sheegay in Yury Olefirenko la quusiyey kaddib markii weerarro is xigxigey oo habeennimo ah lagu qaaday xarumaha ciidamada jooga Odessa, isagoo soo xiganaya ilo Ukraine ah.

Rudenko ayaa ku andacooday in dab uu ka kacay qaybta sare ee markabka, kaasi oo la sheegay in uu ka dhashay qaraxa kaydkii hubka. Weriyaha ayaa sheegay in khasaaro xooggani uu soo gaarey bad-maaxyadii markabka la socdey.

Yeelkeede, Saraakiisha Ukraine ayaan wali xaqiijinin degitaanka markabka. Ciidamada la sheegay inay dejiyeen oo ah kuwo cusub ayaan horay loo sheegin dagaal ay ka qaybgaleen, iyadoo aan la ogayn inuu Ruushku uga aargudanayo weerarkii ugu dambeeyey ee Moscow.

Hadalsame Media