MW Xasan Sheekh oo durba u muuqda inuu ka baxay heshiiskii muranka dhaliyey (Daawo)

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2023 – Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay war u muuqda inuu ka baxay heshiiskii kasoo baxay Madasha Qaranka.

Waxaa uu tilmaamay in wax kasta oo Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen uu yahay heshiis siyaasadeed, heshiis siyaasadeedna aan dalka lagu dhaqi karin, balse uu dalku leeyahay sharci iyo Dastuur.

“Wax kasta oo Goluhu soo gaarey waa heshiis siyaasadeed, heshiis siyaasadeed dalka laguma dhaqee, sharci ayaa dalka lagu dhaqaa, dastuur ayaa lagu dhaqaa, intaas meesha ay ka soo baxaan waa Golaha Shacabka,” ayuu yiri MW DF.

“Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka labadiisa aqal sharci aan soo marin oo dib u eegis Dastuur aan soo marin oo qodobada dastuurka aan halkaan looga doodin, dalka laguma xukumi karo, lagumana dhaqi karo.” Ayuu raaciyey.

 

Hadalsame Media