Madaxdii hore ee dalka oo bayaan kasoo saaray go’aamadii Madasha Ammaanka (2 arrimood oo ay ku baaqeen)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2023 – War murtiyeed si wadajir u soo saareen Mas’uuliyiin hore iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaya hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran.

Bayaankan oo ay soo saareen MW hore ee Shariif Sh Axmed, RW hore ee Xasan C Khayrre, Cabdiweli Gaas, Cabdirshiid C Sharma’arke, Shariif Sh Aadan iyo qaar kale ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen Madashu ay baal marsan yihiin shuruucda u taalla dalka iyo hannaanka awood qaybsiga.

Waxaa ay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobbada taabanaya arrimaha dastuuriga ah ee dalka ayna shaqadoodu ka soo bilowdaan hay’addaha u astaysan howshaas.

Waxaa kale oo ay soo jeediyeen in laga tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed oo ay tahay in afti looga qaado arrimaha masiiriga ah.

Bayaanka oo ka kooban 2 qodob ayaa sidoo kale dhigaya in lasii wado dagaalka Shabaabka oo la iska daayo wixii taa wiiqi kara, islamarkaana adeegyo dowladeed la geeyo goobaha laha xoreeyo.

Hadalsame Media