Somalia oo markii ugu horreeysey loo diri kari doono lacago aan Doollar ah (Cidda suurtagelisey?)

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2023 – Dalka Soomaaliya oo markii ugu horreeysey taariikhda loo soo diri kari doonaa lacago aan Doollarka Maraykanka ahayn.

Waxaa arrintaa suurtageliyey Premier Bank oo ah Banki Soomaaliyeed, balse haatan si rasmi ah sidoo kale uga howlgala dalka Kenya.

Arrintani waxa ay ka dhigan tahay in ay fududaan doonto in Soomaalida ku dhaqan dalka Somalia loo soo diri kari doono lacago qalaad oo aan Doollar ahayn, taasoo hay’ado iyo shirkado waawayn oo dalka ka howlgala ay horay caqabado uga haysteen.

Sidoo kale, qurbo joogta lacagaha u soo dira eheladooda ku dhaqan gudaha dalka ayaa iyaguna waxay fursad u heli doonaan inay dalkooda u diraan lacagaha dalalkooda sida EURO, Pound-ka Ingiriiska, Dirham-ka, Diinnaarka, Australian Dollar iyo xitaa lacagaha kale ee dunida laga adeegsado.

Hadalsame Media