”Ma jiro dal Muslim ah oo taageersan cunaqabataynta na saaran” – RW Xigeenka Ruushka oo laftiisu Muslim ah

0

(Kazan) 23 Maajo 2023 – Wadamada Islaamku ma taageeraan cunaqabataynta reer Galbeedka ee Russia, heshiisyada lagu saxiixay Golaha Dhaqaalaha ee Kazan ee usbuucan ayaana taa caddaynaya, sida uu qabo Ra’iisul Wasaare Xigeenka Ruushka ee Marat Khusnullin oo la hadlay RT.

Isu keenidda wufuud ka kala socota Ruushka iyo dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka, madasha ‘Ruushka-Islamka Adduunka’ ee magaalada Kazan waxa ku qabsoomay boqollaal shir-doceed iyo in ka badan 100 heshiis ganacsi oo la saxiixay, sida uu sheegay Khusnullin.

“Madashu waxay noqotay meel looga arrinsado danaha siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, sababtoo ah dalalka dunida Muslimku waa na taageeraan,” ayuu yiri. “Ma jiro mid ka mid ah dalalka dunida Muslimka oo taageeray cunaqabataynta naga dhanka ah.” ayuu raaciyey.

Iyadoo dalal yar oo Carbeed – oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Masar – ay si rasmi ah ugu cambaareeyeen Ruushka weerarka millateri ee Ukraine, misna ma jiro waddan Islaam ah oo raacay hoggaanka reer Galbeedka oo cunaqabataynta dhaqaale lagula soo rogey Moscow.

Ganacsiga u dhexeeya dunida Islaamka iyo Ruushka ayaa sii socda si aan caqabad lahayn, Khusnullin ayaana shaaca ka qaaday in heshiisyo badan ay jikada ku jiraan haatan, kuwaasoo ay ka mid yihiin heshiisyo laba geesood ah oo ku saabsan wax soo saarka beeraha iyo cuntada xalaasha ah, wershadaynta saliidda cayriin, iyo bangiyada.

Hadalsame Media