DF Somalia oo sheegtay inuu aad u kordhay dakhliga ay ka hesho hawada dalka + Sababta (Daawo)

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2023 – Hay’adda Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhliga kasoo xarooda duulimaadyada hawada Somalia uu aad u kordhay tan iyo markii hawada Soomaaliya lasoo gaarsiiyey heerka A bishii Janaayo ee sanadkan 2023.

In ka badan 500 oo duulimaadyo caalami ah ayaa isticmaala hawada Soomaaliya maalintii, iyadoo laga yaabo in isu socodka hawadu uu intaas ka sii bato mustaqbalka dhow.

Somalia ayaa hawadeeda lasoo wareegtey sanadkii 2018-kii taasoo soo afjartay muddo 30 sano ku dhowayd oo laga maamulayey Nairobi oo ay ku wareegtey 1991-kii.

Axmed Macallin Xasan, Agaasimaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayaa CGTN u sheegay in diyaarad kasta oo tankeedu ka badan yahay megeg dhan 200 ay ka qaadaan lacag dhan 390 Doollarka Maraykanka ah, halka diyaarad kasta midda ay ka tan yar tahay ay ka khidmad yar tahay.

Wuxuu kaloo sheegay inay hagaajiyeen tayada agabkooda iyo adeegyada ay siiyaan diyaaradaha soo gala hawada Somalia iyo kuwa ka dega garoomada dalka, taasoo keentay inay sanadkii qabtaan 31 ilaa 32 milyan oo Doollar.

Hadalsme Media