DF Somalia oo samaysay arrin weji cusub u yeelaysa in inta dalka dembi lagu galo dibedda loo baxsado

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2023 – Sakariye Cali Axmed Cosobow oo horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Booliiska Soomaaliya, loona baadi-goobayey dembi dil ah ayaa lagusoo qabtay dalka Koonfurta Suudaan, kaddib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Booliiska Soomaaliya iyo hay’adda dembi baarista caalamiga ah ee INTERPOL.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaaraddii sidey Cosobow ay Isniintii kasoo degtey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Markii uu yimid ayaa waxaa xabsiga u taxaabay Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Cosobow waxa ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku eedeeyeen dilka Cali Xasan Siyaad oo loo yaqaanney Cali Tareen oo ay horay u wada shaqayn jireen. Dembiga lagu soo oogey ayaa ka dhacay Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gudaha Waaxda Kordamac oo aan ka fogayn xerada ciidanka Sabansaban, Luulyo 28-keedii, 2022-kii.

Waxaa garoonka ku sugnaa xubno ka tirsan qoyska sarkaalka dhintay oo ay wehliyaan wakiillo ka socdey booliiska Soomaaliya iyo INTERPOL, si ay goobjoog uga noqdaan dhiibistii Cosobow.

Arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horreeysey kaddib burburkii ee ay Dowladda Somalia gacanta kusoo dhigto qof eedaysane ah oo dalka ka baxsaday, iyadoo kaashanaysa xogaha ay hayso iyo hay’adaha caalamiga ah iyo booliiska ama dembi baarista dal 2-aad.

Waxay kale oo ay arrintani muujinaysaa inaysan hadda kaddib sahlanaan doonin in inta qof la dilo si sahlan dibedda loo baxsado, taasoo ay mararka qaar gacan ka gaystaan qaraabada iyo qoyska eedaysanaha oo qofka eedaysan ka caawiya inuu dembiga la baxsad maadaama aan laga daba tegi jirin.

Hadalsame Media