Kenya oo dib u furaysa 3 goobood oo ah ”xadka” Somalia & Kenya oo ay xirtey 12 sano kahor (Su’aal ka taagan Wasiirka ay u xilsaaratay)

0

(Nairobi) 15 Maajo 2023 – Waxaa socda qorshe dib loogu furayo saddex goobood oo ah xuduudka haatan u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, kaddib 12 sano oo ay u xirnaayeen khatarta argagixisada darteed, sida lagu qoray The Star.

Kulanka ugu horreeya ayaa maanta ka dhacaya magaalada Nairobi. Meelaha la iskaga gudbo ee la furayo ayaa kala ah; Mandera/Belet Xaawo (Belethawa), Liboi-Harhar/Dhoobley iyo Kiunga/Ras Kamboni waxaana xiray maamulkii Madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Maamulkii hore muddo xileedkiisu wuu dhamaaday kahor inta aan la soo afjarin wadahadallada dib u furista. Waxaa goobahan la xirey sanadkii 2011-kii, xilli ay sare u kaceen weerarrada al-Shabaabku.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Maamulka Qaranka, Kithure Kindiki ayaa hoggaaminaya wadahadallada u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda taagan, ayaa lagu yiri warbixinta.

Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ujeedadu tahay in la xaqiijiyo dib u soo celinta ganacsiga labada dal iyo sidoo kale fududaynta isu socodka dadka.

Lama oga sababta ay kenya wada hadalladan ugu xilsaartay Wasiir Gudeedkooda. Sidoo kale lama xusin magacyada cidda Somalia ku matalaysa wada hadalladan oo maanta ka dhacaya Nairobi.

Yeelkeede, waxaa la sheegay in kulankaan uu daba socdo kulan ay 15-kii bishii Luulyo ee sanadkii hore ay wada qaateen Madaxwaynaha shaqada ka fariistay ee Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalsame Media