5-ta dhinac ee ka dhur-sugaya doorashooyinka Turkiga (Somalia khaanadee ku jirtaa?)

0

(Ankara) 14 Maajo 2023 – Jawiga caalamka galabta waxaa la ga dareemayaa doorashada Turkigu in ay ka muhiimsan tahay doorashooyinkii dunida ka dhici jiray oo dhan.

Qolooyinka badan ee isha ku wada haya natiijada caawa ama aroorta ka soo bixi doonta codbixinta waxaa ka mid ah:

1. Reer Galbeedka oo dhan oo Erdogaan u arka nin dalkiisii iyaga hoos joogi jiray ka xoreeyay oo ka dhigay quwad danahooda mustaqbalka saamayn weyn ku yeelanaysa.

2. Ruushka, Shiinaha iyo Eeraan oo ka baqaya Erdogaan in ay beddesho xukuumad reer Galbeedka u jajaban iyagana u daran.

3. Dowladaha Carabta oo neceb Erdogaan oo shucuubtooda iyaga ku hoos dullaysan u noqday tusaalaha xornimada dawladeed iyo hanka hoggaamineed.

4. Afar milyan oo reer Suuriya ah oo Turkiga qaxooti ku ah oo ka baqaya haddii Erdogaan meesha ka baxo in dalkoodii cadaabta noqday loo dareeriyo.

5. Guud ahaan bulshooyinka Muslinka oo naawilaya Turkiga oo ku sii socda tubta Erdogaan in ay wax ka tarayso is ka caabbinta gumaysiga Maraykanka ee Caalamka Islaamka haysta. Somalia waxay ku jirtaa khaanaddan.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media