Ruushka oo ka jawaabey war sheegaya inay ka shaqaynayaan inuu Erdogan guulaysto (Yaa hadda horreeya?)

0

(Moscow) 13 Maajo 2023 – Moscow ayaa diiday hadal uu jeediyey musharraxa mucaaradka Turkiga ee Kemal Kilicdaroglu ee ahaa in howlwadeennada Ruushku ay faragelin ku hayaan tartanka madaxtinnimo ee dalkaasi.

Siyaasigu wuxuu ku adkaystay  in Ruushku ka dambeeyey “soo saarista dacaayado, aragtiyo shirqool, been abuur qoto dheer iyo cajalado” Turkiga wareegaya.

Ruushku waxa uu leeyahay siyaasad guud oo ah in aanu faragelin ku samayn doorashooyinka quruumaha kale, waxana hubaal ah in aanu sidaas ku samaynayn Turkiye, oo ah qaran saaxiibtinimadiisu ay Moscow qiimo badan u leedahay siyaasaddeeda arrimaha dibaddana ay u aragto “mid mas’uuliyad leh, misna madaxbannaani iyo fikir leh,” ayuu yiri Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov.

“Waxaan si adag u diidney hadallada noocaas ah,” ayuu sarkaalka Ruushka ihi ku daray. “Haddii dad ay siiyeen Mr. Kilicdaroglu macluumaadka noocaas ah, waa beenaalayaal.”

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga (CHP) ayaa eedaymahan ku soo qoray barta Twitter-ka todobaadkan, isagoo aan sharraxin waxyaabaha uu ula jeedey.

Kilicdaroglu, oo hadda wax yar ka horreeya dhanka qiyaasta la sameeyey Madaxwaynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku boorriyey Moscow inay “gacanta ka qaaddo Turkiga,” in kasta oo uu ku celiyey rabitaankiisa ku aaddan in dalalku yeeshaan xiriir wanaagsan oo laba geesood ah.

Doorashada Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Axadda ah ee berritoole.

Hadalsame Media