GAR-NAQID: Dayn-cafinta + mid aan Xamse ka hadli karin, mid Deni ka khaldan, dalka, danta Imaaraadka, doorashooyin kala dambeeya & Su’aalo dul saaran

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2023 – PUNTLAND: Shacabka ayaan awoodda ku celinayaa oo dooranaya Madaxweynaha ay rabaan inuu maamulo, waa hadal saxan oo waliba ay isku kalsoonaan buuxda ka muuqato, taas Said Dani ayaa ku saxan, waana in lagu garabistaagaa.

DALKA: Arrimaha masiiriga ah oo ay danta dalku ku jirto, sida deyn-cafinta oo kale inuu siyaasadeeyo Said Dani ayaa ku qaldan waxaana ku saxan dowladda Federaalka ah, waana inuu aqbalaa waa arrin dan guud ah.

XAMSE: Anigu nin shakhsiyad xun uma aqaan, inuu nin xishooda yahay ayaan ku aqaan, cillado-se waa yeelan karaa laga yaabo ineey ka timaado ragga shaqaaleeysiiyay, balse, asalanba Xamse waa inuusan ka hadlin wax doorasho iyo cadaalad la xariira, mana ka hadli karo, xaqna uma lahan, sababta oo ah waa guddoomiyihii hore ee doorashada Jubaland, oo ahaa ninkii ka shaqeeyay mashruucii caanka noqday ee “Saddex qof iikeen, anigana ayaa kala baxaya kii xildhibaanka noqon lahaa” ee sidaas ku soo saaray baarlamaankii Jubaland ee Ahmed Madoobe doortay 2019.

QAYBTA FIRDHISADA AH: MID WAA SU’AAL AAN RAADINAYO JAWAABTEEDA?

Dhammaan inta doorashooyinka ah ee wada rahman waxaa ugu soo horreeyay doorashadii Jubaland ee oo ay labbo bilood kali ah naga xigto, waloow ayaan dhexe uu yiri “Waxaan ku darsaday sannad” waloow aynaan arag meel dowladdu ku aqbashay, marka su’aashu waxay tahay, inta aan la gaarin tan Puntland oo ay siddeeda bilood oodhan inaga xigto, maxaanay Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ka hortaagan ineey tan Jubaland oo ay labada bilood kali ah naga xigto ka hadlaan?

Horta imaaraatku miyaanu raggiisan kala ceshan karin, mise iyaga [UAE] wax xal la yiraahdaba buugaagtooda kuma qorna?

NABAD IYO NOLOL: Bacadamaa aan xafiiska idinka fadhinweynay oo aad Dooxa na geyseen almiino ma iska heshiisiinoo!!, hadaa diidaan maahoo, kor lee idinka fiirsaneynaa nooh.

Muwaadin iyo masuul, hadiiba laguu ogolyahay inaad gasho, Jimcada yaan Masaajidka Madaxtooyada lagaa sii hor buuxin.

W; Q: Cali Yare Cali

Hadalsame Media